Ururrada Bulshada Rayidka ah oo Is-casilaad ugu baaqay Guddiga Doorashooyinka Qaranka

 

Guddoomiyaha-SONSAFHargeysa (SLpost)- Dalladda Ururrada aan Dawliga ahayn ee SONSAF ayaa Guddiga doorashooyinka Somaliland ku eedeeyay inay ku fashilmeen inay qabtaan doorashooyinkii Goleyaasha Wakiillada iyo Deegaanka.

 

SONSAF ayaa sheegay in Guddiga doorashooyinku aanay kalsooni ka haysan Xisbiyada ay dhexdhexaadinayaan, sidaa darteedna waxay u soo jeediyeen inay kuraasta banneeyaan, si ay yidhaahdeen doorashadu u qabsoonto.

 

Guddoomiyaha Daladda SONSAF, Anwar Cabdiraxmaan oo ka hadlayey Shir-jaraa’id oo xubnaha Daladdaasi ku qabteen Hargeysa, waxa uu ugu baaqay xubnaha guddiga doorashooyinka inaanay wakhtiga ka lumin Qaranka isla markaana banneeyaan kuraasida si doorashooyinka ugu qabsoomaan wakhtiga loo cayimay.

 

FAAFAAHINTA WARKAN KAGA BOGO MUUQAALKAN HOOSE