Ururka Waddani oo Ceerigaabo ku soo Bandhigay 11 Murrashax oo u Tartami Doono Doorashada Deegaanka

Ceerigaabo (SLpost)- Urur-siyaasadeedka WADDANI ayaa mar keliya 10 murrashax oo uga qaybgeli doona doorashada golayaasha deegaanka shalay ku soo bandhigay magaalada Ceerigaabo ee xarunta Gobolka Sanaag.

Munaasibad ballaadhan oo loo qabtay ku dhawaaqista murrashaxiintaasi ururka Waddani uga tartami doona doorashada golaha degaanka ee degmada Ceerigaabo oo ka dhacday hoolka shirarka ee magalaadas, waxa ka qaybgalay hoggaanka iyo madaxda sarsare ee ururkaasi, madaxdhaqmeed, aqoonyahano iyo dadweyne tiro badan.

Guddoomiyaha Urur-siyaasadeedka Waddani ee Gobolka Sanaag Maxamed Jaamac Xasan oo ugu horreyn ka hadlay xafladdaasi, ayaa sheegay inay ku faraxsan yihiin gobol ahaan tirada intaas le’eg ee murrashaxiinta mar keliya ay soo bandhigeen, isagoo dardaaran iyo dhiirigelin u jeediyey 11-kaas murrashax.

Chief Caaqil Axmed Xasan Maxamed, nabadoon Cabdalle Maxamed Cadceed, Caaqil Daahir Ducaale Daahir iyo madax dhaqameed kale oo munaasibadaasi ka hadlay, ayaa dhammaantood sheegay inay murrashaxiintaasi iyagu soo xuleen, isla markaana ay ku soo doorteen xilkasnimo, karti iyo aqoontooda.

Sidoo kale, qaar ka mid ah murrashaxiintaasi u tartami doona doorashada dawladaha hoose ee ururka oo hadallo ka jeediyey xafladda loo sameeyey, ayaa dhamaantood halkaasi ballanqaadyo uga gudbiyey bulshada reer Ceerigaabo in aanay waxba kala hadhin doonin horumarinta magaalada iyo bilicdeedaba haddii ay ku guulaystaan doorashada.

Ugu dambeyn Guddoomiyaha Golaha Wakiilada, ahna hoggaamiyaha urur-siyaasadeedka WADDANI Md. Cabdiraxmaan Xuseen Cabdillaahi (Cirro) oo xafladdaasi ka hadlay, ayaa murrashaxiintaasi ugu duceeyey inay ku soo baxaan doorashada Golaha Deegaanka ee Gobolka Sanaag ee isu soo taageen, “Dadka dega Degmada iyaga oo ku wada jira murrashaxiinta Golaha Deeganka inta hordhaca ah waxaan ugu ducayanaya xil bay doonayaane inuu ILLAAHAY xilkaas u fududeeyo,” ayuu yidhi Guddoomiye Cirro.

Geesta kale, magacyada tobanka murrashax ee uu soo bandhigay Urur-siyaasadeedka Waddani waxay kala yihiin; Cali Jaamac Cabdi, Cali Axmed Cabdi, Ibraahim Maxamed Xasan, Saalax Siciid Axmed, Ibraahim Cali Cige, Cabdiraxmaan Axmed Jaamac, Cismaan Cali Cabdi, Yasiin Cali Maxamed, Kayse Xasan Cabsiiye, Cabdi Cabdilahaa Nuur iyo Maxamuud Warsame Carraale.

Xafladdan lagu shaaciyey 10-murrashax ee u tartami doona Golaha Deeganka Ceerigaabo, kana sharraxan ururka waddani, ayaa noqonaysa tii ugu horreysay, uguna miisaanka cuslayd ee lagu qabto xarunta gobolka Sanaag.

SOMALILANDPOST.NET

webmaster@somalilandpost.net