Ururka Talibaan Oo Soo Dhaweeyay Inay Wada-hadal La Galaan Dawladda Afganistan

TalibaanKabul, (SLpost)- Hoggaamiyaha ururka Talibaan, ee dalka Afghanistan, Mullah Omar, ayaa taageeray wada-hadalladii u dhaxeeyay dawladda iyo ururkiisa.

Fariin naadir ah, ayaa hoggaamiyahan go’doonsani waxa uu ku sheegay in sharciga Islaamka aanu ka hor imanaynin in wada-hadal lala yeesho cadow.

Waxa uu sheegay in arrintani ay wado u tahay, in la soo afjaro ciidamada shisheeye ee dalkaasi jooga.

Inkastoo aanu Mullah Omar, si khaas ah u sheegin wada-hadaladii tooska ahaa ee ay yeesheen dowladda iyo Talibaan, ee ay dhexdhexaadinaysay Pakistan, fariintan ayaa ah tii ugu horeysay ee lagaga hadlo kullankaasi.

Ciidamadda NATO ayaa si rasmi ah u soo afjaray hawlgalkoodii dalka Afghanistan bishii December, laakiin ciidamadooda ayaa weli ku sugan dalkaasi, si ay u tabobaraan xooggaga Afghanistan, waxaana la filayaa in iyaguna ay iskaga baxaan dabayaaqada sanadka 2016.