Ururka Suxufiyiinta SSJW Oo Madaxweynaha Uga Digay Inuu Dhaqan Galiyo Xeerka Sirdoonka Ee Lidiga Ku Ah Madaxbanaanida Warbaahinta

Hargeysa (SLpost) – Ururka suxufiyiinta iyo qorayaasha madaxbanaan ee Somaliland SSJW ayaa madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo uga digay inuu dhaqangaliyo xeerka Sirdoonka qaranka xeer Lr 59/2012 oo labada gole ee Baarlamaanku ay soo ansixiyeen, oo Sabtidii doraad loo gudbiyay, kaas oo ay ku jireen qodobo minjo xaabinaya madaxbanaanida distooriga ah ee saxaafadu ay wararkeeda ku baahiso iyo xoriyatul qawlka.

Xeerkan ayaa qodobkiisa 7aad oo ka hadlaya awoodaha iyo waajibaadka hay’adda Sirdooonka loogu siiyay inay la socon karaan dhaqdhaqaaqyada qalabka warbaahinta iyo qoraalada ka baxaya.

Ururka SSJW waxa kale oo uu madaxweyne Siilaanyo ugu baaqay inuu xeerkaasi dib ugu soo celiyo golayaasha, si meesha looga saaro qodobada ka hor imanaya distoorka iyo xeerka saxaafada ee dhaqangalka ah xeer Lr 27/2004. Ururka SSJW waxa kale oo uu sheegay in golaha guurtidu aanay wax ka badal ku samaynin qodobada mijo xaabinaya warbaahinta ee xeerkaasi, isla markaana ay xeerka Sirdoonka ku ansixiyeen sidii ay ku soo meelmariyeen wakiiladu.

Sidaana waxa lagu sheegay warsaxaafadeed uu soo saaray Afhayeenka Ururkaasi Maxamed Ibraahim Sagax, kaas oo u qornaa sidan:- “Ururka SSJW oo ahaa ururkii ugu horeeyay ee ka digay xilligii xeerka Sirdoonka ay madaxtooyadu usoo gudbisay wakiilada, isla markaana xilligii ay wakiiladu soo ansixiyeen aanu ugu baaqnay golaha guuridu inay xeerkaasi ka saaraan qodobka 7aad ee awoodaha iyo xilgudashada hay’ada sirdoonka, gaar ahaan farqada 11aad oo ay ku soo dareen guddiga arrimaha gudaha ee golaha wakiiladu oo u dhigan:-

-Waa inay sirdoonku la socdaan qalabyada warbaahinta iyo qoraalada ay baahinayaan iyo meelaha ay ku jihaysan yihiin, balse go’aanka golaha guurtidu ay ku meel mariyeen sidii xeerkaasi ay ku soo ansixiyeen wakiiladu, marka laga reebo farqadaasi oo ay ku kabeen marka/haddii looga shakiyo falal wax u dhimi kara qaranimada, taas oo ah iyaduna mid ay golaha guurtidu kaga baaqsadeen inay wax ka badal ku sameeyaan qodobkaasi ka hor imanaya distoorka iyo xeerka saxaafada ee lr 27/2004, kuwaas oo si cad u qeexaya in saxaafadu tahay madaxbanaanideedu lama taabtaan, isla markaana ay reeban tahay talaabo kasta oo faro galin ahi.

Ururka SSJW markii uu ogaaday inaan golaha guurtidu wax ka badal ku samaynin qodobada lidka ku ah warbaahinta, Sabtidii doraad-na aanu xaqiijinay in loo gudbiyay madaxweyne Siilaanyo xeerkaasi ayaa waxaanu uga digaynaa madaxweynuhu inuu ku degdego sexeexa dhaqangalinta xeerkaasi baalmarsan distoorka iyo xeerka saxaafada, waxaananu ugu baaqaynaa inuu dib ugu soo celiyo golayaasha baarlamaanka xeerkaasi, si looga saaro qodobada ka hor imanaya distoorka iyo madaxbanaanida saxaafada.”

somalilandpost.net/Hargeysa