Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA oo Warbixin Qiimayn ah ka Diyaariyey Doorashadii Dalka Jabuuti

Xoghayaha SOLJA
Xoghayaha SOLJA
Xoghayaha SOLJA

Hargeysa (SLpost)- Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA oo ka mid ahaa goob joogayaashii caalamiga ahaa ee ka qayb galay  doorashadii baarlamaanka ee dalka Jabuutiti oo ka  mid ahaa 154-ka  waddan oo adduunka ka mid ah oo goob-joogayaal usoo dirtay doorashadaas.

Ururka SOLJA oo dalka Somaliland ka socday, waxaa uga qayb galay Xoghayaha Guud ee ururka  Mohamed-rashiid Muxumed Faarax oo horena uga qayb galay doorashooyinkii Koonfurta Sudan iyo Ethiopia.

Warbixinta Ururka SOLJA ayaa udhigneyd sidan:

“Sharciyadda doorashada

Sharciga doorashooyinka Djibouti oo ay markii hore marka ay xisbiyadu tartamaan xisbiga ugu codadka badan lihi kuraasida wadanka oo dhan qaadan jiray ayaa wax laga bedelay sannadkii 2012.  Oo laga dhigay sida caadiyan doorashooyinka caalamka in tirada xisbi kastaa helo uu ku fadiishto kuraasta ay u gooyaan

Dhinaca kale waa markii u horaysay ee baarlamaanka jabouti ay mucaaradku kuraasi ku yeeshaan

Xisbiyadda ku tartamayay doorashada

Doorashada waxaa ku tartamayay sadex xisbi oo kala ah UMP.USN iyo CDU  kuwaas oo ku loolamayay (65-kursi)  oo ah tirada baarlamaanka Jabuuti ka kooban yahay,  waxaana lagu soo dooranayay habka liiska xisbiyada ee cod bixiyayaashu u codaynayaan xisbiga, xisbiguna liiskiisa ku kala saarayo sida ay ugu kala horeeyaan musharaxiintiisu.

Qaab dhismeedka guddida doorashada

Dawlada Djabouti waxay qaadatay nidaamka dawlada faransiiska iyo ilaa toban dawladood oo dunida ka mid ahi ku dhaqmaan oo natiijada hor dhaca aha waxaa kusii dhawaaqaya wasiirka arimaha gudaha ee dalka nidaamkaa qaatay sidaa daraadeed ayaa dawlada jabuuti 23/2/2013 5-tii subaxnimo uu natiijadii hordhaca ahayd ugu dhawaaqay wasiirka arimaha gudaha ee dalka jabuuti Mr Hassan Darar Houffaneh   intaa ka dib waxaa natiijadii rasmiga ahayd ku dhawaaqay gudoomiyaha gudiga doorashooyinka dastuuriga ah ee djabouti mr Abdi Ismail Hersi

Awoodaha guddida doorashada

Awoodaha guddida doorashooyinku waxa weeye inay doorashada maamulaan, isla markaana sanaaduuqda goobaha geeyaan, goobaha cayimaan, waqtiga cayimaan, ololaha doorashada la socdaan. Waxa ay maamulayaan gebi ahaanba goobaha doorashooyinka haddii ay noqoto amniga iyo maamulka kale ee agabyada xagga doorashada oo dhan

Diyaar garawga doorashada.

Diyaar garawga doorashooyinku waxay bilawdeen bishii koowaad ee 2013), waxaana jiray hawlgalo iyo kulamo u dhaxeeyay guddida doorashooyinka iyo dhinacyada doorashada gelaya, iyada oo laga wada arrinsanayay hadba sida ugu haboon ee ay doorashadu u qabsoomi karto.

Ololaha doorashada

Sida sharcigu dhigayay ololaha doorashadu wuxuu bilawday (15) shan iyo toban maalmood ka hor doorashada, waxaanu xidhmay 48 saacadood ka hor xilliga doorashada.

Inkasta oo laga yaabo inay cabashooyin jireen, haddana waxa loo isticmaalay qalabka warbaahinta dawladda si isku mid ah, too tusaale ahaan xisbi walba waxa laga siiyay 15 daqiiqo, isla markaana xisbiyadu dooranayaan mawaadiicda loo sii daynayo. Mana jirin wax faaf reeb ah oo lagu samaynayay hadaladooda adadag ee ololaha doorashada ay mucaaradku u adeegsanayeen.

Sidoo kale fagaarayaasha waxa loo isticmaalay waxa loo isticmaalayay si siman, iyada oo maalin walba xisbiga u lihi isticmaalayay, balse goob joogayaasha SOLJA xilligani goob jog may ahayn

Waxa aanu tagnay dalka Djibouti waqti uu dhamaaday ololihii doorashadu, isla markaana loo diyaar garoobayo sidii goobaha codbixinta loo tegi lahaa. Hase yeeshee isticmaalka warbaahinta doorashadani way ka duwanayd kuwii hore ee ka qabsoomi jiray Djibouti, sababta oo ah si aad ah ayay sannadkan mucaaradku uga hadleen warbaahinta dawladda.

Warbaahinta madaxa banaan

Inkasta oo ay Djibouti tahay dal aad u da’ weyn, haddana ma jiraan warbaahin madax banaan oo ka jirta dalka Djibouti, balse waxa ka shaqeeya wargeys dawladdu leedahay oo todobaadkii soo baxa dhawr jeer. Iyo Radio-ga iyo TV-ga oo ay labadaba dawladu leedahay.

Inkasta oo ay beryihii hore jiri jireen wargeysyo dhawr ah oo ay soo saaraan mucaaradku oo ku soo baxa warqadda A4-ka ah, haddana sannadkan waxa Djibouti ka soo baxayay tiro wargeyso ah oo ay mucaaradku leeyihiin oo ku soo baxa luuqadda afka Faransiiska, ka/uwaasi oo ay mucaaradku soo saarayeen.

Inkasta oo ay dadka reer Djibouti ku hadlaan luuqadaha Soomaaliga iyo Canfarta, haddana ma jirin wax wargeysyo ah oo afka Soomaali amaba canfari ku soo baxayay oo ay soo saarayeen mucaaradka iyo xukuumaduba.

Waqtiga la geeyay agabka doorashada goobaha doorashooyinka

Agabka doorashooyinka waxa la geeyay goobaha doorashada habeenkii beri oo kale la codaynayay.

Xilliga ay furantay

22, February 2013-kii, waxa dalka Jamhuuriyada Jabuuti ka qabsoontay doorashadii Baarlamaanka, taas oo 6-dii subaxnimo, ay si rasmi ah dhamaan goobaha  cod bixinta ay doorashadu uga  wada bilaabantay,

Sida xidhiidh badan oo aanu samaynay ka dib noo cadaatay may jirin, hal goob cod bixineed oo dib uga dhacday saacadii loogu talo galay in la furo oo ahayd,  6-dii subaxnimo,  sidoo kale ma jirto goob lixdii galabnimo ka dib  laga codaynayay  oo dib uga dhacday wakhtigii in la xidho loogu talagay iyo  sanduuqyo loo xidhay mudadaa 12-ka saacadood ee loogu talogalay in codayntu socoto u xidhmay rabshado ama khilaaf  xisbiyada tartamaya isku khilaafen ama bolis nabad-galyo daro awgeed meel u xidhay manan maqal, cid sheegaysayna may jirin, waxaan iyaguna jirin qof  xaq u lahaa inuu codeeyo oo loo diiday ama la iska hor taagay.

Dadka ka shaqaynayay goobaha doorashada

Goobaha doorashada waxa ka shaqaynayay guddida doorashooyinka iyo wakiiladda xisbiyada mucaaradka ah iyo kuwa xisbiga dawladda. Waxaana habsami u socodka doorashada maamulayay guddida doorashooyinka, wakiilada ka socda dhinacyada tartamayaana waxay ahaayeen kuwo goob jog ahaan ah.

Waxyaabihii aanu ku aragnay goobaha doorashada

Habka codbixintu u dhacaysay waxay ahayd si degenaansho iyo nidaam lahayd oo aanay wax mugdi ahi ku jirin,  tusaale ahaan, goob kasta oo doorasho waxay lahayd liis ay ku yaalaan magacyada dadka ka codaynaya iyo tiradooda rasmiga ah, waxaanay dadka ka codaynayaa, ku qornaayeen,  waraaqo albaabka xaruntaa ku hor dhejisan  xiliga uu dhashay numberka aqoonsigiisa  iyo magaciisa oo afran  marka uu sidaa u galo xarunta  isagoo sita kaadhkii codaynta loogu diiwaan galiyay iyo kaadhkii dhalashadiisa markaa ayaa loo baadhayaa buug diiwaana oo dadka goobtan ka codaynayaa ku qoran yihiin magaciisa marka laga helo diiwaankaa halka magacaaga hortiisaku began  ayuu saxeexayaa  intaa kadib qofku wuxuu qaadanayaa sadexda warqadood ee ay ku kala qoran yihiin sadexda xisbi oo kala midab duwan (USN-cadaan CDU –blue UMP-casaan)xisbi kastana ay ku qoran yihiin liiska 65 –ka musharax ee u tartamaya doorashada magacyadoodii

Waxaanu sanduuqa ku ridayaa warqada xisbiga uu u codaynayo isagoo labada kalena qaadanaya si aan xisbiyada kale loogu ridin  arintaas oo shakiga ka saaraysa xisbiyada iyo qofkiiba inaan codkiisa la musuqi Karin oo aan xisbi kale loogu dari Karin markaas ayaa khadka farta loo galinayaa

Intaa waxaa dheeraa oo lagu codaynayay waraaq magaceeda la yidhaa Ordonez ama co-ordinates oo la siinayay dadkii ka habsaamay  inay qaataan kaadhkii diiwaan galinta doorashada  ee lagu codaynayay   markay keenaan kaadhkoodii  aqoonsiga dhalashada  jabuuti taas oo la ogolaa inay goobtiiba ka codayn karaan 18 qof  oo ka mida dadkii waraaqahaa qaatay.

Waxaa layaab nagu noqotay in aanu arki waynay kuyuu dheer oo dadku isku cidhiidhyayaan waxaanad moodaysay in dadkaasi dukaan wax ka iibsanayaan  taasina waxaa fududaysay diiwaan galinta dadka codaynayay oo qof kastaaba xiliga uu doono uu codkiisa ku dhiibanayay  wakhti kayar hal daqiiqo

Qaabkii tirinta codadka

Inkasta oo ay goobaha doorashooyinku ahaayeen 449 goobood oo kala duwan, haddana habka tirinta codadka toos ayaa looga sii daynayay TV-ga Qaranka iyo Radio Djibouti, iyada oo goob goob loo soo gudbinayay. Waxaanay tirinta codadku socotay  7-dii fiidnimo ilaa shantii subaxnimo

Xilliga natiijada lagu dhawaaqay

Natiijadda doorashada waxa lagu dhawaaqay, isla markaana waxa ku dhawaaqay wasiirka arrimaha gudaha Djibouti,.Maxamed Xasan Dharaar ayaa Sida uu dhigayo sharciga Djibouti waxa awoodda ku dahwaaqista Natiijadda iska leh Wasiirka Arrimaha Gudaha waxaanu ku dhawaaqay subaxdii hore.

Natiijadda doorashada lagu dhawaaqay waxa loo kala helay sidan. Iyada oo ay natiijadii noqotay in mucaaradku ku guulaysteen 10 kursi, halka xisbiga dawladuna ku guulaystay 55 kursi.

Waxyaabihii ay kaga jawaabeen labada dhinac natiijadda

xisbiga mucaaradka ugu wayn ee USN ayaa isagu ku dooday in natiijadii doorashada la is waydaariyay magaalda jabuuti dhexdeeda oo ay kala heleen USN 47.34%   UMP 49.64%  taasina wax cadaymo ah may soo bandhigin warbaahinta ,

Sidoo kale xisbi xaakimku waxay ku dacwoonayeen in xisbi mucaaradku ku codeeyeen waraaqaha cadcad ee la siinayay dadkii diiwaangalinta ka habsaamay oo foojari ah ay soo daabacdeen maadaama oo maayarkii magaalada jabuuti iyo badhasaabkii ka mid yihiin xisbi mucaaradka jabuuti  taasi oo aanay wax cadaynaya warbaahinta u soo ban dhigin

Laakiin baadhitaan aanu samayanay aniga iyo suxufiyiin kale oo Somaliland ka tagtay waxaanu kula kulanay meel fagaare ah oo toban qof oo reer jabuutiyi  ku sugan yihiin gabadh dadeedu sodon jir  aanu ku qiyaasnay oo ku dhaaratay inay 3 jeer ugu codaysay  waraaqaha cadcad xisbi mucaaradka USN.

Mudaharaadada doorashadii ka dambeeyay

Mudaharaadada  waxaa markii u horaysay ay shaaciyeen  xisbi mucaaradka USN 23/feb/2013 gaar ahaan sheekha caanka ah  Sheekh C/Raxmaan Bashiir oo ku baaqay  in maalinta isniinta ee taariikhdu tahay 25/feb/2013 3-da galabnimo ay isugu yimaadaan dadku  xisbiga USN xafiiskooda jabuuti  halkaas oo ay ayaamo fadhiyi doonaan sidii miidaamu  taxriirkii masar oo kale iyagoo intaa raaciyay inuu qof walbaaba soo qaato rubuc timira.

Laakiin arintaasi may dhicin oo waxaa hor istaagay dawlada jabuuti oo u diiday dadkaasi xaqii ay u lahaayeen inay waxay diidan yihiin mudaharaad salmi ah ku muujiyaan.arintaas oo kasoo horjeeda xuquuqda xoriyatul qawlka  anagoo booqanay goobtaa saacadii lagu balamay  oo ahayd  sadexdii galabnimo waxaanu ugu tagnay askar bilays iyo milatari ah oo wata gaadiidka gaashaaman ee ciidamada laakiin cabaara shantii galabnimo ee maalintaa ayay meeshii isugu yimaadeen waxoogaa dad ah iyo sadexda sheikh ee jabuuti ku jira xisbiyada mucaaradka  waxaana ka dhashay buuq lagu jajabiyaay gaadiidkii dadwaynaha oo  aanu ka aragnay gaadhi tagsiile ah oo oday lug caaga xidhan oo dhamaan muraayadihii oo dhan laga jajabiyay isla maalintaa waxaa muraayada hore laga jabiyay tagsiile nin carabi wato oo aan anigu raacay waxaa kale oo dadku sheegayeen in meherado ku yaala xaafada balbala la boobay inkastoo aanann indhahayaga ku arag   waxaana isla maalintaa xabsiga loo taxaabay dadwayne tiradoodu boqol qof ku dhawaad tahay iyo  sadexdii sheikh.

Khasaaraha sadexdii cisho ee aanu joognay ee mudaharaadii u horeey ay  socdeen  25-28 febraury 2013 waxaanu ku arag nay wiil yar oo dhabarkiisa ay googoysay rasaartii rashka ahayd una yeeshay nabaro jiidhkiisa ah sidoo kale waxaa la sheegayay anagu maanu la arage mid ka mida musheekhda  in nabar soo gaadhay markii la xidhayay. waxaana la odhan karaa khasaaraha mudaharaadkaa ka dhashay natiijadii doorashadii jabuuti ee baarlamaanku aad ayay u yartahay marka la barbar dhigo doorashadii  dawladaha hoose ee Somaliland ka dhacday  28 november 2012-kii  oo dhimasho iyo dhaawac badan-ba keentay  sidoo kale  maalintii 12 september 2009 –kii markii aqalka baarlamaanka Somaliland albaabada u xidheen booliska Somaliland oo kaliya ayaa  mudaharaad ay u sameeyeen dadwaynaha reer hargaysa   ay ku dhinteen laba dhalinyar ah

Si kastaba ha ahaatee waxaa isaguna hambalyo mudan tv-ga qaranka dalka jabuuti ee RTD oo si xora usii daynayay  ayaamihii ololaha doorashada  hadalada xisbiga mucaardka ee USN oo ay ku jiraan dhaliisha madaxweynaha dalka jabuuti

Sida aanu u aragnay doorashada iyo waxyaabaha aanu daliishanayno.

Marka la isku soo wada duubo waxay doorashadaasi ku dhamaatay si hufan oo aan mad madow badani ku jirin, taas oo aan ku tilmaami karo inay u dhacday si xor iyo xalaal ah oo waliba nabad galyo

Waxaanay 80% ka wanaagsanayd oo ka musuq yarayd doorashadii Golayaasha Degaanka ee Somaliland ka dhacday, taas oo sidii doorashooyinkeena lagu yaqaanay aad uga duwanayd, bar madowna ku noqatay dimuqraadiyadii Somaliland lagu amaani jiray.

 Taasi oo ay cadayn kuugu filantay goobta dawlada hoose ee caasimadda jabuuti oo uu yaalay sanduuq  laga codaynayay waxaa ka codeeyay masuuliyiinta dawlada jabuuti oo ay ugu sareeyaan madaxwaynaha Jamuuriyada Jabuuti Ismaaciil Cumar Geele iyo qoyskiisa raysal wasaaraha Dilayta Maxamed Dilayta gudoomiyaha baarlamaanka jabuuti Idiris Arnaa”uud Cali  iyo xubno wasiiro ah oo uu ka mid ahaa wasiirka shaqada Jabuuti.

Inaanu ku aragnay rubuc saaco ka dib xubno fir fircoon oo ka mid ah mucaaridka oo ka codaynaya goobtaa  iyo waliba natiijadii sanduuqaa  inuu xisbiga mucaaradka ugu wayn ee USN  uu ka helay 131 cod

waxaa kale oo xusid mudan in xaafad jabuuti ka mida oo  aanu booqanay aanu dimuqraadiyadu heerkay ka maraysay ku aragnay nin iyo xaaskiisii oo kala taageersan xisbi xaakimka  iyo xisbi mucaaridka USN iyo  UMP

Waxyaabaha loo baahan yahay in lagu daro

Caadi ahaan dadweynaha reer Djibouti oo dhami waxay leeyihiin waraaqo aqoonsi ah, isla markaana ma jirto cid aan waraaqo lahayn. Sidaasi darted waxa loo baahan yahay in meesha laga saaro warqada cad ee lagu codaynayo oo keeni karta musuq iyo laba jeer codayn. Sidaasi darteed waxa loo baahan yahay in la sameeyo diyaar garaw badan doorashada ka hor, isla markaana qof walba la siiyo kaadhka codbixinta.

Cida aan markaasi iyadu fursad u helina in aan la ogolaan si looga hortago wax iska horimaad keeni kara oo lagu murmo.

Waxa kale oo loo baahan yahay in warqad keli ah lagu wada qoro dhammaan xisbiyadda, isla markaana xubnaha musharaxiinta ee la kala dooranayo toos loo soo xusho oo ay dadweynuhu soo xushaan sidii kuwii Somaliland. Si looga hortago in xisbi waraaqihiisa banaanka laga helo amaba agabka doorashooyinku ay banaanka u baxa xilliga doorashada.

Arrintani oo aanu ula jeedno in gebi ahaanba musharaxiinta xisbiyadu warqad keli ah ku wada qornaadaan, isla markaana qof waliba calaamadinayo musharaxa uu doonayo inuu u codeeyo, arrintaasi oo wax weyn ka tari karta, isla markaana, haddiiba oo ay cidi muran keento lagaga hortegi karo, sababta oo ah waxa Djibouti la sii ogyahay tirada codbixiyayaasha ee codaynaysa, sidaasi darted haddii goob muran ka yimaad dib ayaa loo tirin  karaa, cidina kuma doodi karto waraaqahaygii baa la daadiyay.

Waxa kale oo loo baahan yahay in awoodda guddida doorashada lagu daro ku dhawaaqida, sababta oo ah wasiirka arrimaha guduhu wuxuu ka mid yahay dhinacyada tartamaya, markaa waxa ay dhaawac ku noqonaysaa in wasiirkii xukuumaddii lala tartamayay ku dhawaaqo natiijadii hannaanka quruxda badan ee loo soo agaasimay doorashada.

Sidoo kale, mucaaradku ka hor inta aanay mudaharaado ku dhawaaqin waxa lagama maarmaan ah inay maraan wadooyinka sharcigu jideeyay ee ay maxkamadu ku jirto.

Inkasta oo aanaan aad u ogayn awoodda maxkamadda dastuuriga ah, haddana waxa loo baahan yahay in awood badan la siiyo maxkamadda dastuuriga ah, oo tusaale ahaan haddii madaxweynuhu soo magacaabo sharciyan, baarlamaankuna ansixiyo. In erigiisana laga ansixiyo baarlamaanka, taasi oo fursad siinaysa uu go’aan cadaalad ku dhisan gaadho. Mucaaradkana ka dhigaysa mid aamini karaan.

Sidoo kale, marka la eego habka wanaagsan ee ay u diiwaan gashan yihiin codbixiyayaashu, Djibouti waxay noqon kartaa wadanka ugu dimuqraadisan wadamada gobolka oo dhan. Tusaale ahaan haddii ay samayso in xisbiyada dhexdooda ay musharaxiinta tartamaysaa ku soo dhex tartamaan oo ka hor inta aan doorashooyinka la gaadhin xisbiyadu degmooyinka iyo gobolada shirweynayaal ku qabtaan, dhalinyarada iyo dadka ka qaybgalaya doorashadana la tartansiiyo, isla markaana xisbi waliba soo xusho xubnaha ugu taageerayaasha badan marka ay u codeeyaan dadweynaha taageerayaasha xisbiga u ahi.

Waxa kale oo loo baahan yahay inay xukuumadda Djibouti dhiirigeliso in warbaahin maxali ah oo afafka maxaliga ah ku soo baxaa oo madax banaani jiraan, kuwaasi oo qayb ka qaadan kara habsami u socodka hawlaha doorashooyinka iyo weliba dhiibashada ra’yiga xorta ah ee ka madaxa banaan dhinacyada siyaasadda ku hirdamaya.

Laakiin taasi lafteeda xukuumadda Djibouti waxay liisamo siisay TV-yada SOomaalida ee ka hawlgala gobolka Geeska Afrika, kuwaasi oo iyaguna ka waramayay dhacdooyinka iyo hawlaha doorashooyinka, inkasta oo ay si taxadar leh u waramayeen.

Marka intaasi laga yimaado way qurux  badnaan lahayd in ururada bulshada oo ay warbaahinta madaxa banaan ee Djibouti-na ku jirtaa ay qayb ka noqdaan goob joogayaasha doorashada gebi ahaanteed iyo gaar ahaanba marka la tirinayo. Si ay uga marag furan hadba wixii dhaca.

Gebagabada.

Marka doorashada Djibouti loo eego doorashooyinkii ka qabsoomay Somaliland dhinacyo badan ayay kaga wanaagsan tahay. Waxaana ka mid ah dhinacyada ay kaga wanaagsan tahay diiwaangashanaaanta muwaadiniinta iyo weliba agaasinka agabka doorashooyinka.

Laakiin dhinaca kale waxaad moodaa inay labada dhinac ee Somaliland iyo Djibouti midba ka kale wax badan ka faa’iidaysan karo. Oo ay Somaliland ka faa’iidaysan karto habka diiwaangelinta codbixiyayaasha iyo muwaadiniinta, halka ay Djibouti-na ka faa’iidan karto habka liiska musharaxiinta loo taxo ee ay warqad keli ah ugu wada qoran yihiin.

Fiiro gaar ah. Warbixintani maaha aragtida SOLJA, balse waxay ku koobantahay ra’yiga diyaariyayaasha.

Warbixintani waxa diyaariyay, Maxamed-Rashiid Muxumed Faarax, Xoghayaha Guud ee URURKa SOLJA iyo Faysal Maxamed Xasan oo xubin ka ah ururka SOLJA, isla markaana ka mid ahaa goob joogayaashii ka qayb galay doorashada baarlamaanka Djibouti.”

ALLAA MAHAD LEH

Warbixinta Ururka SOLJA ee doorashada Djibouti ee Baarlamaanka