Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA oo cambaareeyey Xadhig lagula kacay laba Suxufi

Hargeisa, 20 February, 2012 (SLpost)- Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA ayaa cambaareeyay xadhigga laba Suxufi oo maanta lagu xidhay magaalada Hargeisa.

Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA oo maanta warsaxaafadeed ka soo saaray magaalada Hargeisa, ayaa dhaliilay xadhigga Xasan Cumar Xasan oo ka tirsan Wargeyska Ogaal iyo Maxamed Cabdi Xasan (Boosh) oo ka tirsan shabakadda wararka ee Ramaasnews.

Warsaxaafadeed uu ku saxeexan yahay Maxamed Axmed Jaamac (Calooley) oo ka mid ah guddida ilaalinta anshaxa iyo xuquuqda suxufiga ee Ururka SOLJA, waxa uu dhignaa sidan;

“Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA wuxuu cambaaraynayaa xadhigga lagula kacay labada Suxufi ee Xasan Cumar Xasan oo ka tirsan Wargeyska Ogaal iyo Maxamed Cabdi Xasan (Boosh) oo ka tirsan Shabakadda wararka ee Ramaasnews, kuwaas oo si aan waafaqsanayn shuruucda dalka xorriyaddoodii looga qaaday maanta oo ay taariikhdu tahay 20 February 2012, iyada oo lagu eedeeyay inay qoreen war.

Tebinta xogta iyo wararku waa tiir ka mid ah tiirarka ay u taagan tahay saxaafadda madaxa bannaan ee Somaliland, isla markaana waxa waajibinaya shuruucda dalka u taala, gaar ahaan qodobka 32 ee Dastuurka Qaranka, waxase mar walba waajib ah in la dhawro shuruucda dalka u taalla. Waxase mar walba aanu ka horjeednaa tallaabo kasta oo ka dhan ah xorriyatul-qawlka, taas oo loo qaado sifo aan waafaqsanayn sharciyadda dalka.

Waxaanu xukuumadda Somaliland ugu baaqaynaa inay xorriyaddooda u soo celiso labada suxufi, si shuruud-laáan ah.”

SOMALILANDPOST NEWS

webmaster@somalilandpost.net