Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA iyo warbixin sannadeedka Tacaddiyada Suxufiyiinta Dalka

TACADDIYADA LAGULA KACAY SUXUFIYIINTA SOMALILAND

October 27, 2011 – Ciidamada Booliska ayaa Weriye Maxamed Cabdi Kaahin (Boosh) oo ka shaqeeya  Shabakadda Ramaasnews iyo Royal TV, garaacis kula kacay, kaddib markii ay sheegeen in uu beri hore sawir ka qaaday hooyooyin cabanaya.

September 19, 2011 – Booliska Dawladda Hoose ee Hargeysa ayaa garaacis iyo xadhig kula kacay Tifaftiraha Wargeyska Saxafi, Mustafe Sh. Cumar Geeddi, kaddib markii uu sawiray dad danyar ah oo ay Xukuumadda Somaliland ka raraysay Xaafadda Goljanno ee magaalada Hargeysa.

September 10, 2011 – Ciidamada Birmadka ee Booliska Somaliland (SPU – Special protection Unit) ayaa garaacay Weriye Saleebaan Cabdi Cali oo ka tirsan Wargeyska Madaxa bannaan ee Waaheen, wakhti uu shaqadii suxufinimo gudanayay, isla markaana xabsiga u taxaabay.

Saleebaan Cabdi Cali oo ka mid ah Weriyeyayaasha Wargeyska Waaheen, ayay Ciidamadu gacan ula tageen oo ay garaaceen, isla markaana xidheen wakhti uu doonayay in uu hawshiisa suxufinimo ka guto munaasibad ay xilka ku kala wareegayeen Wasiirka cusub ee Arrimaha gudaha SL Maxamed Nuur Carraale (Duur) iyo Wasiir-ku-xigeenka Wasaaraddaas oo si ku-meel-gaadh ah u hayay xilkaas. Suxufigu wuxuu saldhigga dhexe ee magaalada Hargeisa ku xidhnaa muddo 10 saacadood ah, hase ahaatee, markii dambe ayaa la soo daayay, ka dib markii uu ka hawl-galay sii-dayntiisa Ururka Saxafiyiinta Somaliland ee SOLJA.

September 12, 2011 – Maxkamadda Gobolka Togdheer ayaa sii daysay Weriyaha Gobolkaas uga soo warrama Wargeyska Madaxa bannaan ee Waaheen Axmed Muse Maxamed oo muddo toddobaad ah ku xidhnaa magaaladaas, ka dib markii la dammiintay, sidaana waxa sheegay Guddoomiyaha Wargeyska Waaheen, Maxamuud Cabdi Jaamac.

September 5, 2011 – Maamulka Dawladda hoose xabsiga dhigeen wariyaha Waaheen uga soo warama Gobolka Awdal Cali Ismaaciil Aare kaasoo macluumaad ka ururinayay Dawladda Hoose oo Albaabo ka soo  furatay Guryo Cashuur bixin waayay, inkastoo ay Maamulka Dawladda Hoose isla maalintaa galinkii danbe Xorriyadiisa u soo celiyeen Wariyahaasi.

July 15, 2011 – Ciidamada ee booliska ee Magaalada Hargeysa ayaa maanta si arxandarro ah u garaacay sawir qaade  Cabdinuurow  Cabdi Aboorey oo ka tirsan Telefishanka Sateliite-ka  ah ee Horn Cable TV oo xaruntiisu tahay  Hargeysa, iyada oo markii dambena loo taxaabay xabsiga oo uu jiray in ku dhaw saacad. Sawir qaadahan ayaa wakhtigii dhibaatada loo geystay ku sugnaa xarunta gobolka, halkaas ay ciidamadu xoogga kaga rarayeen qoysas danyar oo uu badhasaabka gobolka Maroodijeex amar ku bixiyay in laga  raro guryo ay dawladdu lahayd oo ku yaalla xaafadda shacabka.

February 28, 2011 – Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Somaliland Maxamed Xirsi (Oomane), ayaa xadhig iyo haddidaad kula kacay Suxufi ka tirsan Wargeyska Ogaal oo ku gudo jiray hawlmaalmeedkiisa shaqo. Guddoomiyaha Maxkamadda Sare, waxa uu gaashaanka ku dhuftay in su’aalo laga waydiiyo cabasho ka soo yeedhay muwaadiniin kala duwan oo tabashooyin badan ka tirsanayey garsoorka dalka, taas bedelkeedana waxa uu xadhig iyo hanjabaad kula kacay weriye Maxamuud Cali Sheekh Maxamed oo ka tirsan Wargeyska Ogaal ka dib markii uu isku dayay inuu guddoomiyaha dhinaciisa wax ka waydiiyo eedaymahaa loo jeediyay.

Tifaftiraha Jamhuuriya Maxamed Cabdi Cirro ayaa xabsiga loo taxaabay, iyada oo ay ciidamo qoryo badan ku hubeysani ugu galeen xarunta wargeysa, xilli uu gudanayay hawlmaalmeedkiisii. Xadhiggiisa waxa amartay maxkamadda Gobolka.

August 22, 2011 – Xukuumadda ayaa maxkamadda u gudbisay dacwad ka dhan ah Telefishanka HCTV, iyada oo ku eedaysay inuu waraysi la yeeshay Boqor Cismaan Buurmadow.

September 7, 2011 – Wasaaradda Maaliyadda ayaa maxkamadda u gudbisay dacwad ka dhan wargeyska WAAHEEN.

January 22, 2011 – Maxkamadda Gobolka Hargeysa ayaa xukun isugu jira Xadhig iyo ganaax ku ridday Tifaftiraha Wargeyska Waaheen oo ka soo baxa Hargeysa, kaas oo dacwaddiisu in muddo ah ka socotay Hargeysa. Maxkamadda Gobolka Hargeysa waxay saddex sanno oo xadhig ah iyo lacag ganaax ah oo dhan lix Milyan oo Somaliland Shiling ah ($900) ku xukuntay Maxamuud Cabdi Jaamac (Xuuto) oo ah tifaftiraha Wargeyska Waaheen oo ka soo baxa Hargeysa.

March 22, 2011 – Wakiilka Laascaanood u jooga TV-ga  Caalamiga ah ee Somali Channel Weriye Maxamed Cismaan Cabdinuur Xaashi ayay Police-ku u taxaabeen saldhigga dhexe ee magaalada Laascaanood, xilli uu ku guda jiray hawlihiisa shaqo ee warbaahineed.

December 10, 2011 – Booliska magaalada Boorama ayaa xabsiga u taxaabay weriyaha Gobolka Awdal uga soo warrama Wargeyska madaxa bannaan ee Waaheen Mr. Cali Ismaaciil Aare, isaga oo muddo saddex maalmood ah u xidhnaa sababo aan shuruucda dalka waafaqsanayn.

FIIRO GAAR AH: September 19, 2011 – Waxa shaqada laga eryay 39 ka mid ah hawlwadeennada wasaaradda warfaafinta ka tirsan, kuwaas oo u badan suxufiyiinta ka hawlgala warbaahinta qaranka. Waxa aan sidoo kale wax mushahar la siinnin shaqaalihii ku guuleystay imtixaan ay wasaaraddu ka qaadday, kuwaas oo dhammaa 46 hawlwadeen oo iyaguna u badan suxufiyiin.

XUKUNNADA XUKUUMADDA SOMALILAND KU OOGTAY WARGEYSYADA DALKA

Wargeyska Waaheen: Taliyaha Ciidamada Booliska Cilmi Rooble Furre (Kabaal) iyo Maareeyaha Wakaaladda Korontada Hargeisa Eng. Sabce ayaa ku soo eedeeyay in uu ka been-aburay. Taliyuhu wuxuu sheegay in War Wargeysku qoray oo la xidhiidhay hadal uu taliyuhu ka yidhi muran ka taagnaa Deegaan Ceel-bardaale ee galbeedka Somaliland uu abuuray colaad, taasna wuxuu sheegay in ay been tahay, waanu ku soo dacweeyey. Maareeyaha Wakaaladda Korontada Hargeysa, isna wuxuu sheegay in uu been yahay War uu Wargeysku ka qoray oo la xidhiidhay in uu ku tagri-falay Hanti qaran ama uu lunsaday lacag oo uu musuq-maasuq sameeyay. Waxaana horraantii bishii Jan ee sanadkan lagu soo oogay Dacwad Tifaftiraha Wargeyska Waahen Maxamuud Cabdi Jaamac (Xuuto), taas oo markii dambe 24 January 2011 ay xukun ku ridday Maxkamadda Gobolka Hargeiysa, iyada oo ku xukuntay lix sanno oo xadhig ah iyo lacag ganaax ah oo dhan $900. Hase ahaatee, markii u muddo bil ah xidhnaa, ayaa Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) uu u fidiyay cafis, waxaana la sii daayay 09 bishan February 2011.

Wargeyska Hargeisa Star:  Wasiirka Madaxtooyada oo wakhtigaas ahaa Chief-Cabinet –ka Madaxtooyada SL Xirsi Cali X. Xasan ayaa ku oogay dacwad uu ku sheegay in wargeysku ka been-abuuray war uu qoray oo la xidhiidhay in Safar uu madaxweynuhu ku tegay dalka Ingiriiska ay ku baxday lacag aad uga badan, qaddarka uu sheegay Xirsi oo lacagtaas maamulay, waxaanay Wargeysku sheegay in uu ku takri-falay lacagtaas.06 jenawari 2011 ilaa Bilowgii bishii December 2011 ayay Xeer-ilaalinta guud u yeedheysey Tifaf-tirahii guud ee Wargeyskaas ee wakhtigaas Xasan Maxamed Yuusuf taasoo keentay in muddo kooban lagu xidho xarunta ciidanka CIDda, Inkasta oo hanjabaaddo loo geystay hawl-wadeenada Wargeyska, haddana mar dambe dacwaddaasi siima socon oo ka dib markii uu wasiirka Madaxtooyadu caddeeyey inaanay jirin wax dacwad ah oo ka dhexeeya isaga iyo wargeyskaas.

Wargeyska Saxafi: Wasiirka Duulista Hawada Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa ku soo oogay dacwad uu ku sheegay in Wargeysku kaga been abuuray isaga, ka dib markii Wargeysku qoray War la xidhiidha in Lacag dhan 10-Milyan oo Dollar oo dawladda Kuwait ugu deeqday Somaliland, si loogu dhiso Garoomada Diyaaradaha SL, ay jeeb kale ku dhacday. Dacwaddaas waxay keentay in Maxkamadda la soo hortaago Tifaftiraha Wargeyskaas Cabdifataax Maxamed Caydiid, hase ahaatee, caddaymo ku filan oo uu keeni kari waayay Wasiirku in uu isku difaaco iyo Wargeyska oo is-difaacay awgeed, dacwaddaas waa la hakiyay. Guddoomiyaha Maxkamadda Rafcaanka ee Somaliland Axmed Saalax ayaa 12/09/2011 goáan xukun ah ka soo saaray dacwad ka dhan ah Tifaftiraha Wargeyska madaxa bannaan ee Saxafi oo ka soo baxa Hargeisa, Cabdifataax Maxamuud Caydiid.

Wargeysyada Yool iyo Ogaal: Labadan Wargeys ayaa inkasta oo aan dacwaddoosa rasmi loo furin, haddana uu jiray dhaq-dhaqaaq lagu doonayay in lagu xidho masuuliyiinta labada Wargeys, iyada oo dhawr jeer dembi-baadhayaal loo diray, isla markaana xarunta dembi-baadhista looga yeedhay Tifaftiraha Wargeyska Yool Maxamed Cabdi Curad. Hase yeeshee, may noqon wax sii socda.

“Ururka suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA wuxuu canbaaraynayaa tacadiyada, xadhiga iyo garaacista lagula kacayo suxufiyiinta reer Somaliland iyagoo shaqadoodii gudanaya.” Sidaa waxa yidhi Xoghayaha guud ee Ururka SOLJA Maxamed-Rashiid Muxumed Faarax oo ka hadlay tacaddiyadda ay Xukuumadda Somaliland kula kacdo Saxaafadda.

Allaa Mahad Leh

Guddoomiyaha Ururka Suxufiyiinta S/Land Ee SOLJA

Xasan Maxamed Yuusuf