Ururka Solja Oo Warbaahinta Tababar Ugu Qabtay Boorama

Boorama(SLpost) Ururka Suxufiyiinta Somaliland SOLJA ayaa tababar socon doona sadex cisho oo ku saabsan  sharuuucda Saxaafadda iyo mabaadiida aas aaska u ah xorriyatal qawlka uga furtay magaaladda Borama soddon Suxufi oo ka shaqeeya hay’adaha warbaahinta ee kala duwan.

Isuduwaha Wasaaradda warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigalinta ee Gobolka Awdal Abkor Xasan Caafi oo ka hadlay xafladii Furitaanka oo ka dhacday Hotel Rays ee Borama ayaa sheegay in ay Suxufiyiinta Gobolka ka shaqaysaa u baahnayd, waxaanu xusay inay soo dhaweynayaan dedaalka Ururka SOLJA markii labaad ay Gobolka kaga qabtaan sanadkan gudihiisa tababar noocan oo kale ah.

Guddoomiyaha Ururka Suxufiyiinta Somaliland SOLJA Maxamuud Cabdi Jaamac  oo tababarkaasi u furay Suxufiyiinta Gobolka Awdal ayaa isna ka hadlay doorka ay saxaafadda Somaliland ka qaadato Xrriyatul qawlka, waxaanu xusay mabaadiida ay SOLJA u abuuran tahay inay kow ka tahay in la sugo Xorriyada hadalka iyo Xorriyada  saxaafadda, waxaanu tilmaamay in looga baahan yahay Suxufiyiintu inay ka shaqeeyaan sidii loo sugi lahaa wararka iyo xaqa dadweynuhu u leeyihiin inay afkaartooda si cad oo sharci ah u dhiibtaan.

Guddoomiyaha SOLJA waxa uu wariyayaasha ka soo qayb galay tababarkan u iftiimiyey kaalinta ay ku leeyihiin xorriyatal qawlka isagoo xusay in loo baahan yahay in ay marka hore bartaan xeerarka iyo shuruucda laga soo saaray kuwaasoo isugu jira kuwo heer caalami ah iyo kuwo Somaliland u gaar ah, kuwaasoo dhamaantood ba damaanad qaadaya inay muwaadiniintu xaq u leeyihiin marka laga reebo inta aanay shuruucdu u fasixin. Tababarkan waxa Maal-galisay hay’adda SIDA isla markaana waxay soo marisay ururada FORUMSYD, SLRF (Somaliland National Association in Sweden) iyo SONSAF ayaa qayb ka ah mashuurc sadex sano ah oo Ururka SOLJA ka fulinayo Somaliland, kaasoo doorkeedu yahay inay fuliso.

Mashruucan oo hore loogu sameeyey xafladii wan-qalka ayuu Ururka SOLJA waxa uu ka qabsoomi doonaan inta ka hadhay sanadkan 2015-ka dhamaan Goboladda Somaliland oo dhan.