Ururka SOLJA oo Walaac Xooggan ka Muujiyey Saamaynta Xeerka Sirdoonka Qaranku ku yeelan karo Madax-bannaanida Warbaahinta

Hargeysa  (SLpost)- Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA, ayaa walaac xooggan ka muujiyey xeerka Sirdoonka oo labada Aqal ee Baarlamanka Somaliland dhawaan Ansixiyeen.

Warsaxaafadeed uu xalay magaalada Hargeysa ka soo saaray Guddoomiyaha ururka SOLJA Xasan Maxamed Yuusuf, ayaa lagu sheegay ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA ka wer-wersan yahay in xeerkaasi saamayn taban ku yeesho xoriyadda Madax-bannaanida saxaafadda Somaliland.

Guddoomiyaha Solja

Waxa warsaxaafadeedka lagu xusay in Waraahinta Madaxa bannaan ee Somaliland ugu baaqayso Madaxweyne Siilaanyo inuu dib u eego isla markaana wax-ka beddel ku sameeyo Qodobka 7aad Baaragaraafkiisa 11aad, “Warbaahinta madaxda bannaan ee Somaliland waxa ay ugu baaqaysaa madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) inuu wax ka beddel ku sameeyo Qodobka 7aad, Baaragaraafkiisa 11aad, kaas oo sheegaya in Sirdoonka Qaranku Xaq u leeyahay inuu Kaantarooli karo Agabka Warbaahinta,” ayaa lagu sheegay Warsaxaafadeedka Ururka SOLJA.

Ururka SOLJA waxa uu ka digay cawaaqib-xumada uu xambaarsan yahay qodobkaas oo Warbaahinta madaxa-bannaan u dabraya hay’adda Sirdoonka Qaranka, “Dabcan, tani waxa ay fursad u siinaysaa Sirdoonka Qaranka inuu kaantaroolo Warbaahinta Madaxa Bannaan, kaas oo lid ku ah distoorka dalka iyo Xeerka Saxaafadda Somaliland, iyada oo madaxweynuhu uu ballan-qaaday inuu Wax ka qabanayo wakhtigii uu ku jiray Ololihii doorashada madaxtooyada ee 2010, walina lama dabbaqin,” ayaa lagu sheegay warsaxaafadeedka.

Ururka Suxufiyiinta Somailland waxa uu madaxweynaha Somaliland uga digay inuu saxeexo dhaqan-galka xeerkan lagu dabrayo madax-bannaanida Warbaahinta Somaliland, waxaana sidoo kale lagu xusay inaan Xoriyatul-qawlka Somaliland la bar-bardhigi karin dalalka dariska ah. “Haddii Madaxweynaha Somaliland Saxeexo xeerkan ogolaanaya Kaantaroolka Warbaahinta, waxa lagu xusuusan doonaa inuu labaatan sanno oo madax-bannaani la haystay ka dib uu isagu xabaalay xorriyatul-qawlkii Somaliland,” ayaa lagu yidhi War-saxaafadeedka.

“Qoriyatul-qawlka Somaliland lama barbar-dhigi karo dalalka deriska ah, maxaa yeelay in kabadan 100,000 oo muwaadiniin ah ayaa noloshooda ku waayey inay helaan Xorriyal-tul Qawl iyo Inay Ra’yigooda Cabbiraan ama go’aan-qaadasho sameeyaan,” ayaa lagu sheegay war-saxaafadeedka.

Ugu dambayntii, waxa warsaxaafadeedkan baaq loogu jeediyey dalalka Somaliland la saaxiibka, ururrada Xuquuqal-insaanka ee Caalamka iyo ururrada Dusha ka ilaaliya Madax-bannaanida Saxaafadda, inay ku boorriyaan madaxweynaha Somaliland inuu wax ka beddel ku sameeyo xeerkan Kootada ah.

SOMALILANDPOST.NET

webmaster@somalilandpost.net