Ururka SOLJA Oo Si Adag u Cambaareeyay Tallaabada Ay Xukuumadu kula Wareegtay Xarumaha Wargeysyada HUBAAL iyo Haatuf

“Waxaannu xukuumadda u sheegaynaa in aannu si adag uga soo hor jeedno dhaqankan cabudhinta iyo xoog sheegashada ah

Hargeysa (SLPOST)- Guddoomiyaha Ururka suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA ayaa cambaareeyay tallaabada ay xukuumadda Somaliland maanta albaabada ugu xidhay wargeyska Madaxa banaan ee HAATUF, waxaanu tilmaamay in dhacdadani ay noqonayso cawaaqib fool xun.

Xasan M-Yuusuf

Sidaasna waxa Guddoomiye Xasan Maxamed Yuusuf ku sheegay war-saxaafadeed uu soo saaray oo u dhignaa sidan:-

“Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee (SOLJA) wuxuu si adag u cambaaraynayaa falka foosha xun ee xukuumadu kula kacday islamarkaana kula wareegtay guud ahaan xaruntii wargayska madaxa bannaan ee HAATUF iyo SOMALILAND TIMES.

Waxa muuqanaysa in xukuumaddani caadaysatay wax aan dalka hore uga jiri jirin oo waliba soo noqnoqonaya, taas oo ah in ka badan laba urur oo ciidana dulgayso xarumaha warbaahinta iyadoo sharciga waddanka u yaalla ku tumanaysa, tusaale cadna waxa u noqonaysa falkii HCTV iyo kii HUBAAL iyo kan hadda kula kacday HAATUF MEDIA GROUP kuwaasoo ay dhammaanba kulawareegtay xarummohoodii.

Waxaa halkaa ka muuqanaysa in fallalkani yihiin qorshayaal ku talagal ah oo ay xukumaddu go’aansatay inay kula dhaqanto saxaafadda iyo xorriyatul qawlka.

Sidaa darteed waxaannu xukuumadda u sheegaynaa in aannu si adag uga soo hor jeedno dhaqankan cabudhinta iyo xoog sheegashada ah ee ay saxaafadda kula kacayso, oo ay ka fikirto saamaynta ay arrimaha noocan ahi ku yeelan karaan dalka iyo dadkaba,

Muslin kuma cabiidsamo, Walloon madaxa kaa goyne

Muggii weel ma dhaafee allow mooska yaan jabinin

Xukuumadda waxaan u soo jeedinayaa dariiqan ay qaadday inuu yahay mid cawaaqib oo aan cidna u fiicnayn, sidaa awgeed waxaannu kula talinaynaa inay ka noqoto arrinta oo ay dalka sharciga ku hagto.”

Somalilandpost.net

Hargeysa/Somaliland