Ururka Qareennada Somaliland oo Cambaareeyey Weerar Qaawan oo Dhaawacyo loogu geystay Garyaqaan ka tirsan Bahda Garsoorka Gobolka Sanaag

Hargeysa (SLpost)- Ururka Qareennada Somaliland ee SOLLA, ayaa si adag u cambaareeyey weerar dhaawacyo loogu geystay Garyaqaan Cali Siciid Jaamac oo dorraad Koox budhadh ku hubaysani ku weerareen badhtamaha magaalada Ceerigaabo.

DSC02916

Ururka Qareennada Somaliland waxa uu hay’adaha Dawladda ee Dhacdadani khuseyso ugu baaqay inay tallaabo deg-deg ka qaadaan shakhsiyaadka weerarka u geystay Garyaqaan Cali Siciid oo ururka Qareennada Somaliland u qaabilsan gobolka Sanaag.


Sidaana waxa lagu sheegay war-saxaafadeed maanta ka soo baxay Xafiiska Guddoomiyaha Ururka Qareennada Somaliland ee SOLLA Garyaqaan Foosi Sh. Yoonis Xasan, kaas oo u dhignaa sidan: “Anigoo ku hadlaya afka Ururka Qareenada Somaliland, waxaan halkan ku  canbaaraynayaa  falkii budhcadnimada ahaa ee lagula kacay Garyaqaan Cali Siciid Jaamac oo ah Qareen ka tirsan Ururka Qareenada Somaliland ahna Guddoomiyaha Ururka Qareenada Somaliland ee Gobolka Sanaag, Qareenkaas oo Taariikhdu markay ahayd 07/05/2013 Maalintii Salaasada abaaro 11:00 Am isagoo gudanaaya shaqo-maalmeedkiisii caadiga ahaa ay niman ku hubaysan Budad Iyo Bakoorado ay weerar ku soo qaadeen uguna gaysteen dhaawacyo culus, ka dib markii ay la boobeen Budadka iyo Bakooradaha ay ku hubaysnaayeen. Ma jirto sabab maan-gal ah oo sababtay  weerarkan ay budhcadu kula kacday Qareenka, waxaanu se ka war qabnaa in budhcadani weerartay Maxakamada kana sameeyeen rabash iyo qalalaase isla maalinta ay Qareenka weerareen.

Sidaa daraadeed, Ururka Qareenada Somaliland wuxuu halkan ku cadaynayaa in uu aad uga xunyahay falka budhcadnimada ah ee Qareenka lagula kacay, waxaanu canbaaraynaa cidii fulisay falkaas iyo cid kasta oo ku lug lahayd falkaasi. Waxa uu sidoo kale Ururka Qareenada Somaliland si adag uga dalbanayaan Hay’adda Dawlada ee ay arintani khusayso in ay degdeg uga hawl galaan lana horkeeno Maxakamada awooda u leh cidii fulisay falkaasi lagana qaado talaabada Sharci ee ay mutaystaan .”

SOMALILANDPOST.NET