Ururka Qareenada Somaliland oo u jawaabay Garyaqaanka Guud, Xukuumaddana u soo jeediyey inay Dabbaqdo Shuruucda dalka

Hargeysa (SLpost)- Ururka Qareennada Somaliland ee SOLLA ayaa jawaab ka bixiyey hadal uu garyaqaanka Guud ee Qaranku ku difaacay Guddi Culimo ah oo la sheegay in madaxweynuhu magacaabay, guddigaas oo ururka SOLLA hore madaxweynaha ugu cambaareeyey inuu ku xad-gudbay dastuurka dalka oo ay sheegeen inuu awoodda magacaabista Guddiga culimada u siiyey Golaha Guurtida.

Gudoomiyaha ururka qareenada ee SomalilandHaseyeeshee, Garyaqaanka Guud oo xambaaraynta ururka SOLLA ka jawaabaya mar uu la hadlayey warbaahinta todobaadkan, ayaa sheegay inaanay jirin Guddi Culimo ah oo madaxweynuhu magacaabay, balse uu magacaabay Guddi soo xulaysa Golaha Culimada heer Qaran oo dastuurku jidaynayo.

War-saxaafadeed todobaadkii hore ka soo baxay Madaxtooyada oo lagu shaaciyey Kulan dhexmaray madaxweynaha iyo Culimada dalka qaarkood,  ayaa lagu sheegay magacyada Guddi Culimo oo lagu sheegay in madaxweynuhu ku dhawaaqay, kaas oo warbaahinta ku soo baxay, iyadoo maalintii warkani soo baxay culimo uu ka mid yahay Sheekh Maxamed Sheekh Cumar Dirir oo magaciisa lagu daray xubnaha Guddiga uu ka cudur-daartay ka-mid ahaanshiyaha Guddiga lagu daray.

Haddaba, Guddoomiyaha Ururka SOLLA Mohamed Mohamoud Hashi oo daba-socda hadalka Garyaqaanka, ayaa sheegay in ka hadalka arrintan ay urur ahaan ka tix-raaceen waraahinta oo warkan tabisay, sidaas awgeedna ay doorkooda ka qaateen inay iftiimiyaan awoodaha Dastuurka dalka iyo cidda ay shuruucda dalku xaqa u siisay magacaabista Guddiga Culimada ee heer Qaran.

War-saxaafadeedka Guddoomiyaha SOLLA oo nuqul ka mid ahi soo gaadhay warbaahinta SOMALILANDPOST.NET, ayaa u qornaa sidan:- “Horta magacaabitanka guddida culimada waxa lagu baahiyey warbaahinta madaxbaanan dadkoo dhamina way akhristen waxa kale oo lagu baahiyey bage face booga e afhayeenka madaxtooyada waxaana warbahintu soo qortay xubnaha guddida culimada oo ka kooban 12 xubnood oo magaca agaasimihoodii wata, qaar ka mid ah guddida culimada e la magacaabay baa BBC da la xidhiidhay oo sheegay inay iska casileen waxaanay ahayd arin ay si cad warbaahintu u baahisay 10\6\2017

Warkaasi anaga warbaaahinta ayaa noo soo gudbisay warbaahintuna waxay ka mid tahay meelaha ay dadwaynuhu ka helaan warka , haddaba haddii aanay jirin magacaabista guddidu waxay ahayd inay beeniyaan oo ay yidhaahdan ma jirto wax aanu magacownay manay beenin waxa kale oo warbaahinta ka hadlay una xaqiijiyey magacaabida guddida wasiirka diinta iyo awqaafta, aniguna waxaanu kaliya tilmaanay sharciyada loo marayo magacaabida guddida culimada oo khilaafsanayd dastuurka qaranka jamhuuriyada Somaliland.

Arinta kale e uu sheegay garyaqaanka guud e ah in madaxwaynuhu magacaabay guddidii soo xulaysay guddida culimada waa arin iyana qayra dastuuri ah sababtoo ah sida uu tilmaamayo Qod.119 e dastuurka qaranka jamhuuriyada Somaliland guddida soo xulaysa guddida culimada waxa soo magacaabaya xukumada iyo golaha guurtida xubnaha ka imanaya golaha guurtida waxa soo xulaya golaha golaha guurtida waxaana lagu soo xulaya fadhi gole oo golaha guurtida ayaa ka fadhiisanaya xataa shirgudoonku ma soo xuli karo waayo Qod 119 e dastuurku wuxu sheegaya gole erayga golena waa layaqaan sharci ahaan waxa uu yahay waxaana lagu magcaabaya fadhi gole laakiin xaq uma laha madaxwaynuhu inuu magacaabo guddida e waxa kaliya oo uu soo magacaabaya xubnaha ka socda dhinaca xukumada e golaha wasiirada waxaanu qodob u dhiganyahay sidan

QODOBKA 119

Magacaabista  Xubnaha  Gudida  Culimada

1- Xubnaha guddida culimad waxa soo magacaabaya guddi laga soo cayimo golaha xukuumadda iyo golaha guurtida oo is-tiro le’eg, waxaana oggolaanaya golaha guurtida.

2- Guddida culimadu iyagaa iska dhex dooranaya guddoomiyaha iyo guddoomiye-ku-xigeen.

Magacaabida Guddida culimada waxa ka horeeya in la sameeyo  xeerkii lagu maamulayey guddi culimada sida ay tilmaamayan Qodobada 12,122 e dastuurka jamhuuriyada Somaliland waxa sharci ah in hayad kasta oo dastuuri ah lagu aas-aaso xeer oo ka hor inta aan la magacaabin xubnaha xeerkoodii la sameeyo waana qayra sharci in la magacaabo iyada oo aan la samayn xeerkii lagu maamulayey Guddida  Culimada .

Garyaqan guud na waxaan leenahay waa in ay xukumadu ka hor intaanay wax magacaabin kula tashato oo ay talo sharci ku waydiiso e maaha in lagu yidhaa difaac wax qayra dastuuri ah oo aan marka hore lagaala tashan.

Ugu danbayn waxaan leenahay anagu madaxwaynaha wax aan jirin kamaanu sheegin mana jeclin inaanu dheecayno waayo wuxu huwanyahay madaxwaynuhu sharaftii iyo karaamadii ummada reer Somaliland balse kaliya waxaanu tilmaamayna uun sifa sharciga ah in la dabaqo waayo ceebay nagu tahay in dastuurka la ixtiraami waayo oo aan la dabaqin markastana waxaanu urur ahaan u taaganahay dabaqaad iyo saraynta sharciga.

Xukuumadana waxaanu ku waaninayna inay ixtiraamto sharciga oo ay dastuurka qaranka dabaqdo iyada oo ay jiraan khaladaadyo badan oo qayra dastuuri ah oo ay xukumadu qaaday sannadkii u danbeeyey e 2016 ka.” Sidaas ayaa lagu sheegay war-saxaafadeedka SOLLA oo uu ku saxeexan yahay Guddoomiyaha Ururka Qareennada Somaliland.