Ururka Qareenada Somaliland Ee Solla Oo Maxaabiis Qaba Xanuunada Aydhiska Iyo Qaaxada Ka Sii Daayay Jeelka Gabiley

Gabiley (SLpost)- Ururka qareenada Somaliland ee solla oo ah urur  ay ku bahoobeen garyaqaanada Somaliland oo kaalmo sharci oo lacag la,aan ah u fidaya dadka aan awoodin inay qareen qabsadaan ,  isla markaana xafiisyo ku leh dhamaaan gobolada dalka ayaa maalintii Khamiistii  ku guulaystay inay maxkamada hor keenaan rafcaan sugayaal uu muddo dhaafay ambiilkoodu oo ku xidhnaa jeelka gabiley isla markaaana iskugu jiray qaar qaba xanuuno halis ah sida  aydhiska  iyo qaaxada iyo maxaabiis kale oo uu muddo dhaafay rafcaankoodu.

SOLLA2Maalintii khamiistii ee 14kii bisha March ayaa maxkamaddii rafcaanka oo guuraysa oo uu horkacayo gudoomiyihii maxkamada rafcaanka gobolka Maroodijeex Md Cabdirashiid Maxamed Duraan iyo shan garsoore  oo kale waxay soo gaadheen maxkamada gobolka gabiley halkaasi oo ay kaga garnaqeen ilaa soddon kiis oo rafcaankoodu muda dhaafay. Waa markii ugu horeysay ee maxkamadii rafcaanka oo guuraysaa timaado gobolka gabiley isla markaana ay ka garnaqdo kiisas intaa leeg. Ololahan  lagu sugayo cadaalada ee maxkamada farcaanka wado ayaan ahayn mid ku koobnaa gabiley haseyeeshee waxay hore sidan oo kale u tageen mandheera waxaanu gudoomiyaha maxkamada rafcaanka mudane cabdirashiid maxamed durraan sheegay in ay muddo bill ah joojiyeen kiisaskii madaniga ahaa ee ay ka garnaqi jireen si ay u soo gebogebeeyaan rafcaanada is dul buuxsamay maxkamada rafcaanka.

SOLLADhanka kale shan garyaqaan oo ka socdey ururka qareenada Somaliland ee solla ayaa iyagu si lacag la,aan ah ugu dacwoonayay  rafcaanlayaasha la horkeenay maxkamada rafcaanka oo isugu jiray dad xanuunsanaya iyo qaar kale oo tabaalaysan .waxaana ka mid ahaa Garyaqaaan mukhtaar cabdi muxumed saban oo ah gudoomiyaha ururka solla ee gobolka gabiley oo gacanta ku hayay shan kiis oo ku guulaystay in ooda laga qaado intoodii badnayd waxaana ka mid ahaa dadkuu garyaqaan mukhtaar shalay u doodayay ee la sii daayay qaar lahaa xanuunada xun ee aydhiska  iyo qaaxada kuwaasoo aafaynayay hadaan laga qaban maxaabiista, inkastoo wali ay ku sii jiraan jeelka gabiley qaar qaba aydhis  iyo qaaxaba.

Ururkan qareenada Somaliland ee solla ayaa mudadii uu jirey kaalin firfircoon ka  qaatay cadaalada Somaliland isla markaana sababay in maxkada la horkeeno dada badan oo dhibaataysan oo lagu iloobay jeelasha gaar ahaan xafiiska solla ee gobolka gabiley ayaa dardar galiyay  cadaalada gobolka  isla markaana kaalmeeyay dad badan oo aan awoodin inay qareen qabsadaan.Dhanka kale  maxkamada gobolka gabiley oo muddo aan loo soo magacaabin gudoomiye rasmioya kadib siduu gudoomiyihii loo soo magacaabay ee cabdirashiid beer geel uu iskaga noqdayba ayaa gudoomiye la,aanta waxaa ka daran  dhismo la,aanta maxkamada gobolka gabiley  oo maalintii khamiistii keenay in garsoorayaashu iska sug sugaan  saddex qol oo kaliya oo ay ka koobantahay  maxkamada gabiley taasi oo hakisay dacwado badan oo shalay laga faraxalan lahaa.

WERIYE: Cabdikariim muxumed cadde (Qaamuus)

GABILEY    SOMALILAND