Ururka Qareenada Oo Ka Hadlay Xadhiga Qoraa Ku Xidhan Hargeysa

 

Hargeysa (SL.Post) Waxa 20/ August/2016 magaalada Hargeysa  booliksu ku xidheen Abwaan Siciid Maxamuud Gehayr oo ah nin dhalinyaro ah, oo abwaan iyo qoraa  ah. Waaxaanu xadhigiisu daba socday, kadib markii barta bulshadu ku xidhiidho ee Facebook-ga loo yaqaano, si is daba joog ah loogu baahiyay qoraalo ku soo baxay magaciisa, oo ka hadlaaya arimo khuseeya gegada diyaaradaha ee hargeysa (Cigaal Interntaional Airprt) iyo dhulka ku xeeran gegada diyaaradaha, ee xaydaabka xadaynta madaarku galay. kuwaasi oo ciwaan looga dhigay “ Dhibta iyo Dheefta Madaarka Cigaal”.

 

siciid

Dhiaca kale, waxa af-hayeen  booliska u hadlay,oo  ka hadlay xadhiga Siciid Maxamuud Gehayr, uu warbaahinta ka sheegay;In Siciid boolisku  xidheen oo loo haysto, wax uu ugu yeedhay “falal nabad gelyo darro ah oo wax u dhimaya Qaranka Somaliland”, kuwaasi oo uu sheegay in ay ka mid yihiin “fariimo hanjabaada” oo uu yidhi waxa uu u gudbiyay baraha bulshadu ku xidhiidho.

 

Hadaba sida ku cad Qod: 9 (1) ee Dastuurka Jamhuuriyada Somalind. Iyadoo Somaliland tahay dal dimuqraadiya, oo uu muwaadin kastaa, sida ku cad Qod: 32 (1) ee dastuurka Somaliland uu xaq u leeyahay in uu ra’yigiisa soo bandhigo, oo uu ku soo bandhigo; qoraal,hadal, muuqaal, suugaan ama qaab kale oo xeerka waafaqsan; Waxa Ururuka Qareenada Somaliland walaac iyo war wer xoog leh ka qabaa,islamarkaana uu canbaaraynayaa  xadhiga lagula kacay Abwaan Siciid Maxamuud Gaheyr.

 

Waxa xadhiga noocan oo kale ah, ee ah in qof ra’yigiisa oo uu cabiray loo xidho uu wax yeelo weyn iyo dibin daabyo ku noqon karo xaqii muwaadintiinta ee cabiraada iyo ra’yi dhiibashada ee dastuurku damaanad qaaday.

 

Sidaasi darteed; Ururka Qareenada Somaliland ( Solla), waxa uu dawlada ugu baaqayaa in ay Abwaan Siciid Maxamud Gaheyr, sida ugu dhakhsaha badan xoriyadiisa ugu celiso.Ilaalisana xuquuqda muwaadiniinteeda.

 

 

Jamaal Huseen Ahmed ( Mandeela).

Xog-hayeha Guud Ee Ururka Qareenada Somaliland.