Ururka MIDNIMO oo loo doortay Guddoomiye iyo Guddoomiye Ku-xigeen Cusub

 

Hargeysa (SLpost)- Ururka MIDNIMO oo ku midaysan yihiin Dadka ka soo jeeda deegannada Bariga Somaliland ee Qurba-joogga iyo kuwa Gudaha dalka jooga ee kala duwan, ayaa doortay Guddoomiye iyo Guddoomiye Ku-xigeen cusub.

Guddoomiyaha cusub ee Ururka MIDNIMO

Guddoomiyaha Ururka ayaa loo doortay Cabdicasiis Ibraahim Maxamuud, halka Guddoomiye Ku-xigeenka loo doortay Cabdiraxmaan Xaashi Jaamac, ka dib markii ay Xubnaha Ururku isku raaceen in xilkaa hoggaaminta loo dhiibo labadan masuul.

Sida lagu sheegay war-saxaafadeed ururku soo saaray, ururka MIDNIMMO ee ay ku midoobeen Qurbo-joogta iyo Qaran-joogta gobollada Bariga Somaliland qaarkood, ayaa la abuuray ka dib markii ay wax-garadka, dhalinyarada iyo dadka waxbartay ee deegaannadaasi ka damqadeen baahiyaha ka jira gobollada Bariga oo ay Midnimada Bulshada iyo kor u soo qaadista adeegyada aasaasiga ahi ugu horeeyaan.

Waxa lagu sheegay war-saxaafadeedka in Urarka Midnimo ka shaqeyn doono Midnimada iyo Nabadaynta Dadka wada-dega deegaannada Bariga Somaliland, Taakulaynta Dadka jilicsan iyo wax-ka-qabashada adeegyada aasaaska u ah nolosha Aadamaha iyo horumarkooda sida Caafimaadka, Waxbarshada, Biyaha iyo wax kasta oo ay taakulayn ka geysan karaan oo muhiim u ah bulshada.

Guddoomiye ku-xigeenka Cusub ee Ururka MIDNIMO

Warku waxa uu intaas ku daray in Ururkan ujeeddadiisu tahay mid Samafal, isla markaana inkasta oo uu dhisnaa muddo kooban, haddana uu qaaday tallaabooyin lagu diirsaday oo ay Bulshada ay metelayaan ama doonayaan inay danohooda ka shaqeeyaan mahadiyeen, soona dhaweeyeen.

Hoggaanka cusub ee loo doortay Ururka Midnimo, ayaa la filayaa inay hawsha halkaas ka sii wadaan, isla markaana dardar-gelin cusub la yimaaddaan, kana dhabeeyaan hadafka iyo himilada uu u dhisan yahay ama loo sameeyey.

Somalilandpost.net