Ururka Kubadda Cagta Adduunka Ee FIFA Oo Samaynaya Guddi Diyaarisa Dibu Doorasho Madaxweyne Cusub

Geneva, (SLpost)- Hay’adda ciyaaraha kubadda adduunka ee FIFA ayaa samaynaysa guddi 11 xubnood ka kooban oo dib u qaabayn ku samayn doona hay’adda oo ay hadhaysay fadeexadi.

Dib u habaynta lagu samayn doono waxa ka mid ah in la hirgeliyo shuruuc xadidaysa inta uu madaxwaynaha hay’addaasi xilka hayn karo, sidaasi waxa ku dhawaaqay madaxwaynaha FIFA Sepp Blatter.

FIFA waxa ay qaban doontaa kal-fadhi aan caadi ahayn oo ay ku dooranayaan madaxwayne cusub, kaasoo dhici doona 26 bisha labaad ee sanadka 2016.

Blatter oo 79 jir ah waxuu ku dhawaaqay bishii lixaad ee sanadkan in uu xilka ka dagayo afar maalmood ka dib markii madaxwaynenimada dib loogu soo doortay.

Iscasilaadii Blatter ee labadii bishii lixaad waxaay dabo socotay todobo sarkaal oo FIFA ka tirsan oo loo xidhay baadhitaan musuqmaasuq oo ay Maraykanku wadeen, kaasoo afar iyo toban qof lala xidhiidhiyay.

Dacwadii labaadna waxa furay dacwad oogeyaal reer Switzerland ah, kuwaas oo baadhitaan ku bilaabay sidii ay u dhacday doorashadii cidda martigalinaysa koobka kubadda cagta adduunka ee sanadka 2018 iyo 2022, kuwaasoo lagu kala qabanayo Ruushka iyo Qadar.