Ururka Horumarinta Waxbarashada Somaliland ee Qodaal oo Deeq Qalab Waxbarasho ah Gudoonsiiyay Tuulooyin ka Tirsan Degmooyinka Gabiley iyo Geedbalaadh

Gabiley, (SLpost)-Ururka Dhalinyaradda iyo Horumarinta Waxbarashadda ee Qodaal ayaa Saaka Qalab Wax-barasho Gudoonsiiyay qaar ka mid ah Dugsiyadda Degmooyinka Gobolka Gabiley, Qalabkaasi oo isugu jiray Buugaag, qalimaan iyo Qalabka ciyaaraha oo ay ku jiraan garamaantii iyo kubado loogu talo galay ardayda inay ku ciyaaraan Wakhtiga Firaaqadda.

Ururka Qodaal ayaa kormeerkiisa ka bilaabay Degmadda Geedbalaadh halkaasi oo ay kulan balaadhan kula yeesheen Ardayda Dugsiga hoose ee Degmadda Geedbalaadh oo ay Wehelinayaan Maamulka Degmadda, Taliska Booliska Degmadda iyo Madaxdhaqameedka Degmada Geed balaadh, waxaanay halkaasi Kula dardaraameen ardayda Dugsiga Geedbalaadh oo ay ku dhiiri galiyeen inay Xoojiyaan Waxbarashadda ka digtoonaadaa Balwadaha iyo waxyaabaha hakad galin kara.

Gudoomiyaha Degmadda Geedbalaadh Ciise Cabdi Jaamac iyo Maamulaha Dugsigaasi C/naasir Axmed Xasan ayaa mahadnaq balaadhan u jeediyay ururka Qodaal oo deeq qalab waxbarasho soo gaadhsiiyay, waxaa kale oo ay maamulka Degmadu sheegeen in Dugsigu aanu ku filnayn fasaladdu isla markaana qabyo ka muuqato dhismaha dugsiga oo ka kooban laba fasal iyo hal fasal oo Xafiis ah, iyaga oo xusay in aanu dugsigu lahay Suuliyo iyo xafiisyadii Maamulka, waxaanay ugu baaqeen xukuumadda iyo Maamulka Gobolku in ay ka hawlgalaan sidii wax looga qaban lahaa baahiya dugsiga ka muuqda.
Caaqil Maxamed Aw yuusuf Cumar iyo Caaqil C/raxman C/laahi Cali oo iyagu halkaasi ardayday uga soo jeediyay dardaaran ayaa sheegay in ay umahadnaqayaan Ururka Dhalinyaradda ah ee Deeqdan soo gaadhsiiyay , waxaanay ardayda ku booriyeen in ay Dadaalaan oo ay Mustaqbalkooda aqooneed dhisaan oo aanay halkaasi kaga hadhin waxbarashadda.

Maamulka Degmadda iyo ururka qodaal ayaa sidoo kale Deeqo kala duwan oo Qalabka Waxabarasho iyo Agabka ciyaaraha iskugu jira gudoonsiiyay Tuulooyin hoos yimaada Degmooyinka Gabiley iyo Geedbalaadh kuwaasi oo ay ka mid ahayd Tuuladda Magaalo Xayd, Gaashaamo, Boodhley iyo Ijaara, kuwaasi oo dhamaantood ay ka muuqdeen Baahiyo dhinaca Fasaladda Dugsiyadda ah oo aad ugu cidhiidhi ahaa halka Tuuladda Magaalo xayd ay Ardaydu Geed hoostii ku dhiganayeen, iyaga oo aan haysan Agabka waxbarasho sida kuraasta, miisaska iyo Samuuraddaha wax lagu dhigo, sidoo kale Ardayda Dugsiga Magaalada Gaashaamo ayaa ku dhigta Guri kirro ah oo aan lahayn wax kuraas ah.

Odayaasha iyo Maamulka Dugsiyaadaasi ayaa si guud uga warbixiyay Baahiyo Baahsan oo ka muuqday Adeegyadda Waxbarasho ee tuulooyinkaasi isla markaana Wasaaradda Waxbarashadda ka Codsaday inay ka Caawiyaan Dhismayaasha Dugsiyadda Waxbarasho ee Deegaanadaasi, dhinaca kale Ururka Dhalinyaradda iyo horumarinta Waxbarashada ee Qodaal ayaa Balan qaaday inuu Ka Caawin doono wixii awoodooda ah isla markaana u gudbin doonaan hayadaha Dawlada iyo Bulshadda kale ee reer somaliland ee ka qayb qaadan karta Hirgalinta Dugsiyadaasi qabyadda ah iyo kaabista Waxbarashadda Degmooyinkaasi.

somalilandpost.net

webmaster@somalilandpost.net