Ururka Horumarinta Sanaag oo Shir Telephone u Qabtay Waddada Ceerigaabo

Ururka Horumarinta Sanaag oo Shir Telephone u Qabtay Wadada Ceergaabo; Shirkaas ayaa galabta ku qabsoomay telephone. Shirka waxa soo qaban qaabiyay Ururka Horumarinta Sanaag iyo Wakiilka Somaliland ee USA. Shirka wuxu dhacay maanta – Axad-dii, bishe Novemberna 10-keedii, 2013. Shirka waxa ka soo qayb galay oo gogoshiisa fidiyay gudida Ururka Horumarinta Sanaag oo ay magacyadoodu hoos ku qoran yihiin, waxa shirka lagu soo casumay Wasiirka Madaxtooyada Hirsi Ali Haji Hassan, Wasiirka Difaaca Ahmed Haji Ali Cadami, Wakiilka USA Rashid Garuf iyo Wakiilka UK Ali Adam. Shirka waxa lagu gorfeeyay mashruuca Wadada Ceergaabo, madaxdu waxay ka warantay mashruuca maamulkiisa, dhaqaalihiisa, qorshihiisa, iyo baahidiisaba. Gudida Ururka Horumarinta Sanaag waxay iyaguna ka warbixiyeen waxqabadka ururkooda, siday taageero hiil iyo hooba leh ugula diyaar yihiin mashruuca wadada Ceergaabo, waxa kale oo madaxda ay waydiiyeen wixii su’aalo ay ka qabeen mashruuca. Halkan hoose ka dhegayso shirka hadalkiisa.

https://drive.google.com/file/d/0B-5K2v1u42L0MTE1Qk5YYVJDMk0/edit?usp=sharing

Gudida Horumarka Sanaag waxay aad iyo ugu mahadnaqayaa marti sharaftii kala soo qayb gashay shirka maanta. Waxa aad halkan [sare] ka dhegaysan kartaa hadalkii laga yidhi shirka, qudbadihii, su’aalihii iyo dhamaan jawaabihiiba.

Ururka Horumarka Sanaag, Gudida Wadada Ceergaabo, Wakiilada USA iyo Wakiilka UK dhamaantoodba waxay ka codsanayaan Jaaliyadaha Somaliland ee jooga qurbaha meelkasta oo ay joogaanba inay shirkan dhegaystaan si ay u helaan warka wadada Ceergaabo, ka dibna ay taageero buuxda oo hiil iyo hooba leh ay siiyaan mashruucan. Cidina uma maqna ceelna uma qodna maanta mashruuca wadada Ceergaabo yaan loo kala hadhin.

1- ENG/ SACIID CAWIL.
2-ENG JAAMAC YASIN DERIGAAD.
3-YUSUF JAAMAC MAXAMED.
4- DR MAXAMED CAWIL.
5- ENG CALI BARRE.
6-YUSUF CABDI CADDE.
7-XUSEEN CALI XUSEEN.
8- CABDIRAXMAAN CALI MATTAN.
9- CISMAAN SHEIKH DALMAR.
10. FOOSIYA FAARAX XARBI.
11- AXMED GUREY.
12- ENG SACIID CALI FARAS.
13-XAAJI YASIN QOOBCADDE.
14- ABDALLE  MAXAMUD XAAJI DUCAALE.
15-MAXMED SACIID WARSAME.
16-AXMED CABDLAHI

17- KOOS OSTON.