Ururka Dhalinyarada ee Midnimo oo Cambaareeyay falkii Guddoomiye ku-xigeenkii Kulmiye, Xadhigga Boqor Buurmadow iyo Masuuliyiinta Eedaha Musuq u xidhan

Hargeysa (SLpost)-Ururka dhalinyaradda ee Midnimo ayaa Cambaareeyay Falkii lagula kacay Gudoomiye ku Xigeenkii labaad ee Xisbiga Kulmiye C/raxmaan C/qaadir Faarax.

Maamulka ururka oo shalay  Shir jaraa’id ku Qabtay Hotel Al Bustaan ee Magaalada Hargeysa kaasi oo ay ka soo Qayb galeen dhamaanba xubnaha ururka dhalinyarta ee Midnimo, waxa ugu horreyn halkaa ka hadlay Xoghayaha Ururkaasi Mustafe Axmed Ismaaciil oo sheegay inaanu C/raxmaan C/qaadir Faarax aanu ahayn nin sidaa loo galo oo ahaa nin Kulmiye feedhihiisa ku waayay dhiigii siina ku daatay iyo weliba inay kulmiye yihiin abaal laaweyaal oo raggii halganka  lasoo galay ay xidhxidhayaan iyagoo xil hayana xabsiga dhigayaan.

Waxa kale oo sheegay inaan Muuse Biixi Iyo Maxamed Kaahin Toona Aanay Xilka qaadi Karin, “ C/raxmaan C/qaadir Faarax xilka kama qaadi karaan Muuse Biixi iyo Maxamed Kaahin ee Cod aqlabiyad ah ayuunbaa lagaga qaadi karaa waayo waxaa shir weyne ku doortay in ka badan shanboqol oo qof,” ayuu yidhi.

Gudoomiyaha ururka Midnimo Guuleed Cilmi jaamaca oo sheegay inaan C/raxmaan C/qaadir Faarax ahayn  nin sidaa loo galo uuna ahaa nin kaligii reer kooda ka raacay Kulmiye, “Axmed Siilaanyo may ahayn inuu maanta sidaa u quudho Cabdiraxmaan, manay ahayn in maanta loo adeegsado Ciidamadda Argagaxisadda ladagaalama isagoo dhabarka uu kaga jabay ololihii kulmiye uu ugu jirey.  Waxaan aad iyo aad uga xunahay talaabadaa foosha xun ee lagula kacay waanan u ducaynanaa in ilaahay caafimaad qab degdega siiyo, Waxaan cadaynayaa inaanay jirin waxa dimuqraadiyad layidhaah oo soomaaliland ku dhaqanto waayo qofkii hadla waa la xidhayaa sida Boqor Buurmadaw iyo masuuliyiintii raashinka u xidhnayd oo maalinba been abuur loo soo samaynayo,” ayuu yidhi guddoomiyuhu.

SLpost News/Hargeysa