Ururka Dhakhaatiirta Xoolaha ah Oo Ka Digay Laynta Eyda Kuna Baaqay Qaab Ka Duwan Sumaynta In Loo Yarayn Karo Dhibkeeda

Hargeysa(SLpost)-Ururka Dhakhaatiirta Xoolaha ee SOVA, ayaa Golaha Degaanka Gobolka Awdal ugu baaqay in ay joojiyaan sumaynta iyo cidhibtir ay sheegeen in ay ku hayaan xayawaanka Eyda.

Ururkan oo war-saxaafadeed soo saaray, waxa soo jeediyey in la ilaaliyo xuquuqaha xayawaanka, isla markaana haddii loo arko in ay waxyeelo leeyihiin tarantooda la joojiyo oo aan si axmaqnimo ah loo layn.

Haddaba, war-saxaafadeedka ururkan soo saaray oo ay si wada jir ah ugu saxeexnaayeen Guddoomiyaha Ururka Dr. Khayre Cali XAsan iyo Agaasime Dr. Yasiin Cusmaan Siciid waxa uu u dhignaa sidan; “Xayawaanku waxay leeyihiin xuquuq u baahan in la xaq dhawro isla markaana sida ugu haboon looga faa’idaysto, haddii loo arko inaanay wax faa’ido ahi ugu jirin nolosha bini-aadanka ama ay dhibaato ku hayaan waxa haboon in si bani-aadminimo ku jirto isla markaana waafaqsan shuruucda caalamiga ah looga takhalusaa ama loo xakameeyo tarantood.

Waxa dhawaan soo baxday in golaha deegaanka Boorama ay ku dhaqaaqeen arrin aad u argagax badan isla markaana aan waafaqsanayn shuruucda caalamiga ah ee u yaalla dhawrista iyo ilaalinta xuquuqda Xayawaanka (Animal Walfare protection).Waxa jira habab casri ah oo caalamku waqti xaadirkan adeegsado isla markaana aan waxyeelo u geysanaayn daryeelka Eyda, kaas oo lagu xakamayn karo waxyeelladooda isla markaana dhasha looga joojinayo.

SOVA(Somaliland Veterinary Association)waxay leedahay laynta ay bilaabeen golaha degaanka Boorama waxay baalmarsan tahay shuruuda caalamiga iyo diinteena. Sida ku cad axaadiis ka sugnaaday Nabigeenii suubanaa NNKHA, waxa qof Haween ah loo cadaabay Bisad ay meel ku xidhay isla maraana u diidey wax cunto ah inay siiso. Halka taa Bedelkeeda gabadh waraabisay Ey haraadan ay jannada ku gashay.

Golaha deegaanka Magaalada Boorama gaar ahaan maayarka waxaanu ka codsanaynaa in aanay banaanayn habkaa Eyda lagu laynayo ee loo isticmaalayo suntan aadka u halista badan. Taas oo xataa halis weyn ku ah deegaanka iyo bulshada ku noolba, isla markaana qadar aad u yar oo suntaas ahi (starchenine) waxay sababi kartaa bulsho aad u badan oo xataa ka badan inta ku nool magaalada Boorama ee xarunta gobolka Awdal.

SOVA waxay diyaar u tahay guud ahaan Somaliland in ay kala qayb qaadato sidii loo xakamayn lahaa ama meesha looga saari lahaa khatar ka timaadda EYDA iyo xawayaanada kale iyada oo aan lagu xadgudbayn xuquuqda xawayaanka, waxa kale oo diyaar u tahay kana go’an in sidii dawlaha hoose jamhuuriyada Somaliland lagu tobobari lahaa ka faa;iidaysiga xawayaanada degal joogta ah

SOVA soo jeedinaysaa in golaha sharcidajintu sida u dhaqsaha badan u soo saaraan xeerka xayawaan degeljoogta,” ayaa lagu soo gunnaanaday war-saxaafadeedka.