Ururka Ardayda Reer Somaliland ee Sudan Wax Ka Barata Oo Hoggaan Cusub Doortay

 

Khartoum(SLpost)-Ururkan ardayda reer Somaliland ee wax ka barata dalka Suudaan ayaa doortay hoggaan cusub, kaasi oo hagi doonaa ururka sannadada soo socda.

Ururkan ayaa waxa uu shaqeeyaa isku xidhka, ka war haynta iyo taageeridda ardayda reer Somaliland ee wax ka barata Suudaan.

 

Hoggaankan cusub ayaa waxa ku soo beegmay xili uu ururku baahi weyn u qabay hoggaan cusub.

 

Doorashada hoggaankan cusub ee ururka Wadajir ayaa waxa gacan aad u weyn ka gaystay, ardayda dalkaasi ku sugan ee Somaliland iyo dhammaan aqoonyahanka reer Somaliland ee dalka Suudaan kuwaasi oo dhammaantood dadaal aad u badan galiyay sidii ay ardayda reer Somaliland ee Suudaan wax ka barataa ay u yeelan lahaayen  hoggaan cusub.

 

Hoggaanka cusub ee ururka ardayda Somaliland ee Suudaan wax ka barata ay doorteen waxay kala yihiin sidan.

 

1.Gudoomiye  Ayaanle Axmed Hoori

2.Gudoomiye-xigeen Cabdiraxmaan Jaamac Saleebaan (Fanax)

3.Xooghayaha Guud Mubaarik Cabdi Jaamac

4.Madaxa Arimaha Dibada Guuleed Cabdilaahi Xasan

5.Madaxa Warfaafinta Maxamed Cali Muxumed

6. Madaxa Maaliyada Abdixakiin Maxamed Muuse

7. Madaxa Acadamic Iyo Sport-s Ka Abdifataax Mubaarik Maxamed

8.Gudoomiyaha Garabka Haweenka  Xaliimo Cabdiraxmaan Xasan