Ururka Ardayda Jaamacadda Alpha oo Hoggaan cusub doortay

Hargeysa (SLpost)- Munaasibad ay soo qabanqaabiyeen ardayda Jaamacadda Alpha University ee magaalada Hargeysa, ayaa lagu doortay hoggaan cusub oo uu yeelanayo Ururka ardayda jaamcadaasi

ALPHAMunaasibadda loo sameeyey doorashada hoggaanka ururka Ardayda oo ay ka soo qayb-galeen maamulka, macalimiinta iyo Ardayda Jaacadda Apha, waxa ugu horreyn ka hadlay Eng. Rashid Cumar Muxumed oo ka mid ah hormuudka Jaamacada, waxaanu ka xogwaramay ahmiyadda uu Ururku u leeyahay jaamacadda iyo mustaqbalkeeda, waxaanu ardaydii ka soo qayb-gashay munaasibaddaa ku boorriyey inay si caddaalad ku doortaan Ciddii meteli lahayn codkooda, tartankuna uu yahay mid ka dhexeeya ardayda, balse ciddii ku guulaysata lagu taageero hawsha loo igmaday.

Doorashada hoggaanka ururka ardayda Jaamacadda Alpha, waxa ka qayb-galay xubnaha Golaha Dhexe ee ardayda oo tiradoodu dhan tahay 107 xubnood, waxaaa intaas ka bacdi la gudo-galay inay barnaamijyadoda soo jeediyaan murashaxiinta hoggaanka isu-sharraxay, iyada oo guddi maamusha doorashada oo laga dhex xulay ardayda ay xubnihii tartanka isu-soo tagay fursad u siiyey wakhti kooban oo qof kastaa barnaamijkiisa hoggaamineed ku soo jeediyo.

Intaas ka dib waxa la gudo-galay doorashadii, iyada oo boosaska loo tartamayey ay kala ahaayeen guddoomiye, guddoomiye ku-xigeen iyo xog-hayn, waxaanay ugu dambayntii aqlabiyaddii ardaydu codkooda ku taageeraan inay noqdaan hoggaanka Ururka Ardayda Jaamacadda Alpha, kuwaas oo loo doortay inay noqdaan xubnahan oo muddo-xileedkoodu noqonaya hal sanno.

1) Maxamed Xashi Xasan (Guddoomiye)

2) Khadar Cali Xaashi (Guddoomiye ku-xigeen)

3) Saynab Muuse Ismaaciil (Xog-hayn)

Ugu dambayntii, waxa halkaas ka hadlay xubnihii ku guulaystay oo ugu mahad-celiyey ardayda Jaamacadda taageerada ay u muujiyeen, iyaga oo ballan-qaaday inay si waafi ah u gudan doonaan masuuliyadda loo igmaday.

Waxa kale oo halkaas hadallo dar-daaran iyo wacyi-gelin isugu jira ka jeediyey xubno ka mid ah Hormuudka Jaamacadda iyo guddigii hore ee xilkoodu dhammaaday, kuwaas oo Eebbe uga baryey inuu ku astaro xilka ay masuuliyaddiisa qaadeen.

Dhinaca kale, Guddoomiyaha Jamacadda ALPHA University College Prof. Abdirahman Mohamed Maal, ayaa hambalyo u diray hoggaanka cusub ee Ururka Ardayda Jaamacadda.

 

SOMALILANDPOST.NET