Ururada Saxaafada ee SOLJA Iyo SSJW Oo QM Talo Ugu Soo Jeediyey In La Sameeyo Barnaamij Himilo Fog Oo Wax Lagaga Qabanayo Baahiyaha Warbaahinta Iyo Kobcinta Xidhiidhkooda

Hargeysa, 07 March, 2012 (SLpost) – Shir Ballaadhan oo Qaramada Midoobay ugu magac dartay (Somaliland Media Day 7 March 2012) ayaa waxa ka soo qaybgalay 19-ka hay’addood ee Qaramada Midoobay uga hawlgala Somaliland iyo Saxaafada Somaliland, kuwaas oo ka wada hadlay sidii loo kobcin lahaa xidhiidhka wada shaqayneed ee ka dhexeeya Qaramada Midoobay iyo guud ahaanba Saxaafada Somaliland.

Shirkan oo maanta ka qabsoomay Hotel Maansoor ee magaalada Hargeysa ayaa sidoo kale ka soo qaybgaleen Masuuliyiin ka tirxasan xukuumada iyo ururada Maxaliga ah, halkaas oo ururada Saxaafada Somaliland ee SOLJA iyo SSJW Qaramada Midoobay ay uga soo jeediyeen talooyin ku wajahan sidii loo abuuri lahaa Barnaamij ku dhisan himilo fog iyo in la kobciyo xidhiidhka wada shaqayneed ee Qaramada Midoobay iyo Saxaafada Somaliland si wax looga qabto Baahiyaha ka jira Saxaafada ee Kobcinta Xirfada Warbaahinta iyo Wariyeyaasha, taas oo Xidhiidhiyaha Qaramada Midoobay ee Arimaha Bani aadanimada u qaabilsan Somaliland iyo Somalia Mark Bowden uu sheegay in Shirkani uu bilow u yahay kobcinta xidhiidhka wada shaqayneed iyo Horumarineed ee u dhexeeya Hay’adaha Jimciyada Quruumaha ka dhaxaysa iyo Saxaafada Somaliland.

Ugu Horayn Guddoomiyaha ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA Xasan Maxamed Yuusuf oo kulankaasi khudbad ka jeediyey oo ka waramay doorka Saxaafada iyo Baahiyaha ku gedaaman ee u baahan in wax lagala qabto ayaa waxa uu yidhi “Ujeedooyinka Ururka SOLJA u taaganyahay waxa ka kow ah oo ugu mudan dhismaha aqooneed ee suxufiyiinta ka hawlgala warbaahinta kala duwan ee dalka gudihiisa ka jirta, ta gaarka loo leeyahay iyo ta dawliga ah labadaba, horumarinta Ethics-ka Suxufiga, ilaalinta xuquuqda aadamaha, taageerada dhinaca qalabka ee Saxaafadda iyo in ururku suxufiyiintu uu qabto aqoon korodhsiyo iyo tobabarro kor loogu qaadayo tayada saxafiga.

Maadaama SOLJA yahay urur ay ku midaysanyihiin xirfadlayaasha Saxaafadda kala duwan ee dalka, isla markaana aanu jirin dhaqaale noo saamaxaya inaannu daboolno baahiyaha jira, waxa hadana madhaafaan ah in SOLJA mashaariic uga heshay Saxaafadda Hay’adaha UNDP, IRI, BBC, ICD prograssio, CARE, NOVIB, CARITAS iyo qaar kalaba  sanadihii 2003-2009, kuwaas oo isugu jirey, tobabaro kor loogu qaaday tayada aqoonneed ee suxufiyiinta iyo Qalab si weyn  wax uga taray qaybo ka mid ah baahiyii jiray.”

Guddoomiyaha Ururka SOLJA mar uu ka hadlayey Caqabadaha Taagan waxa uu yidhi “Saxaafadda Somaliland waxay soo martay marxalado adag oo kala duwan iyo duruufo aanay bulshada u bislaan saxaafadda iyo muhiimadeeda, sidoo  kale waxa mar walba joogto ahayd, Baahi aan xad lahayn oo ay  suxufiyiinta Somaliland  u qabaan aqoon ku filan oo ay xirfaddooda ku horu mariyaan , maadaama aanay dalka ka jirin Jaamacado ama kuliyado saxaafadda u gaar ah, taasina waxay na geyaysiisay inuu suxufi kastaa si dhib yar ku soo galo warbaahinta isagoo aan aqoon ku filan haysan.

Haseyeeshee waxay u soo dhabar-adaygeen inay xaalado badan la soo dabaashaan, islamarkaana door laxaad leh ku leeyihiin abuuritaanka nabadgelyadaSomalilandku naaloonayso iyo hirgelinta hannaanka dimuqraadiyadeed ee dalka ka hanaqaaday.

Suxufiyiin badani waxay ay had iyo goor la kulmaan xadhig, cadaadis, iyo cagga-juglayn kaga timaadda dhinacyada ay wax ka qoraan, ha ahaato dawlad, Xisbi ama meelo kalaba, waxaanay suxufiyiin badani ku mutaysteen xadhig  iyo hagardaamooyin kala duwan.

Sidoo kale marar badan ayay suxufiyiintu ku xadgudbaan dhinacyada ay wax ka qorayaan, sida ganacsatada, siyaasiyiinta, dawladda iyo qaybaha kale ee bulshadaba , iyagoo ku samaynaaya sharaf rid , warar been abuur ah IWM,

Marar kalana waxaaba dhacda inay si aan haboonayn wax uga qoraan Hay’adaha kala duwan ee UN ka, iyo madaxda halkan fadhida  Qudhooda, taasna waxaa sabab u ah aqoon la’aanta baaxadda leh ee ka jirta dhinaca suxufiyiinta, idinkana waxaan idin odhan lahaa haka cabnina marka ay si aan habboonnayn wax idiinka qoraan, Maadaama aad hagrateen ama Gabteen doorkii aad ku lahaydeen, kor uqaadista aqoonta suxufiyiinta

Waxa xaaraan ah in layska xidho suxufi aan dembi lagu helin amma lagu fuliyo ciqaab, waxaase suurtageliyay Xeerka saxaafaddaSomalilandee XEER 27 2004 oo ay ku jiraan qodobbo jidaynaya, in kiisaska qaarkood loo addeegsan karo xeerarka kale ee dalka u yaalla , taasina ay horseedo in suxufiyiinta lagu qaado Xeerarka ciqaabta.

Ururka Solja waxay dhib weyni ka haysataa dariiqa loo maro soo deynta suxufiyiinta lagu xidho gobolada iyo caasimaddaba arrimo dhaqaale xumo oo ay gaadiid la aantu ka mid tahay darteed, dhammaan hawlaha aannu qabanaana waa kuwo aannu u gudano si mutadawacnimo ah oo aanay cidina naga kaalmaynin,

Iskusoo wada duuboo waxaa muuqata inay saxaafadda Somaliland xilkeedii gudatay oo ay dalkeeda iyo dadkeedaba hanatay intii taagteeda ahayd, maantana waxaannu si weyn idiinka dhawraynaa, inaannu idinka helno gacantii ay saxaafaddu idiinka baahnayd iyo doorkii aad ku lahaydeen kobcinteeda oo ahkanay manta la dhutinayso,   haddii taas laydinka helana waxaan hubaa inay saxaafaddu  si buuxda xilkeeda u gudan doonto”

Sidoo kale waxa isaguna halkaasi ka hadlay Guddoomiyaha Ururka Suxufiyiinta iyo Qorayaasha Madaxabanaan SSJW Yuusuf Cabdi Gaboobe, waxaana hadalkiisii ka mid ahaa “Waxa aan ku hadlayaa magaca ururka Suxufiyiinta iyo Qorayaasha Madaxabanaan ee SSJW, waxaanu ku talinaynaa in la sameeyo barnaamij himilo fog oo wax lagaga qabanyo baahiyaha warbaahinta iyo kobcinta xidhiidhka Qaramada Midoobay iyo Warbaahinta Somaliland.

Taas oo ah wadada kaliya ee aynu kaga gudbi karno dhibaatooyinka iyo caqabadaha jira, gaar ahaana dhinaca Kordhinta aqoonta xirfadeed ee Suxufiyiinta Somaliland, taas oo loo mari doono tabaro iyo aqoon iswaydaarsiyo guddo iyo dibad ah, mana aha wax maalmo ama Todobaadyo lagu xalin karo ama lagu wajihi karo, balse waxa aanu u baahanahay wax qabad muddo dheer socda oo laga boqan karo baahiyaa jira oo Qaramada Midoobay nagaga caawinayso in la horumariyo Xirfada Warbaahinta iyo Awooda warbixineed, daabacaadeed, Baahineed iyo Tabineed, taasi waa dhinaca kobcinta xirfada.

Sidoo kale xidhiidhka Warbaahinta iyo Dawladdu waxa uu khuseeyaa labada dhinac ee xukuumada iyo ururada Saxaafada ee jira, waana waajibaadka labada dhinac ee Warbaahinta iyo Dawladda inay isku yimaadaan oo ay ka wada hadlaan siddii xal looga gaadhi lahaa dhibaatooyinka jira ee Xasan Maxamed Yuusuf Guddoomiyaha SOLJA ka hadlay oo ay ka mid tahay Xadhiga degdega ah ee Wariyeyaasha loo geysto oo soo noqnoqda muddo yar oo kooban iyo Sharciga Saxaafada oo doodi ka taagan tahay, Dawladduna waxa ay eegaysaa wax ka bedel lagu wado sharciga Saxaafada oo Baarlamaanka horyaala, waxaana Saxaafad ahaan aanu ku jirnaa in aanu si qoto dheer u falanqayno wax ka badalka Sharciga Saxaafada ee la soo jeediyey, si aanu uga hortagno wax kasta oo dhib ku keenaya xoriyada Saxaafada iyo Xoriyatal qawlka guud ahaan.

Sidaa daraadeed, meelahanina waa arimaha ay Qaramada Midoobay gacan naga siin karto sida Sharciga (Legal Advise), maxaa yeelay waa mawduuc gacanta lagu hayo”.

SOMALILANDPOST.NET

webmaster@somalilandpost.net