Urur-siyaasadeedkii Doorashada ku Hadhay ee RAYS oo si Rasmi ah Ugu Biiray Xisbiga Kulmiye

Hargeysa (SLpost)- Urur-siyaasadeedka Rays oo ku hadhay tartankii doorashda Goleyaasha Deegaanka ee sannadkii hore dalka ka dhacday, ayaa maanta si rasmi ah ugu biiray Xisbiga Talada dalka hoggaaminaya ee Kulmiye.

RAYS_KulmiyeMunaasibad loo qabtay isbahaysiga dhexmaray Xisbiga Kulmiye iyo urur-siyaasadeedka Rays oo oo ka dhacday Hotel Maansoor ee magaalada Hargeysa, ayaa waxa ka soo qayb-galay Hoggaanka Xisbiga Kulmiye oo Guddoomiye Muuse Biixi horkacayo iyo guddoomiyaha ururka RAYS Xasan Gaafaadhi.

Kulmiye iyo Rays oo maalmihii u dambeeyey ay u socdeen wada-hadallo ku aaddan sidii ay isu-gaashaan buuraysan lahaayeen, ayaa munaasibaddaas lagu kala saxeexday heshiish qeexaya awood-qaybsi Golaha Dhexe ee Xisbiga Kulmiye.

Kulmiye_RAYSWaxa Munaasibadda ka hadlay hoggaanka labada dhinac oo si weyn u soo dhaweeyey Midowga dhexmaray iyo siyaasadda ka tarjumaysa heshiiska dhexmaray oo muddooyinkii u dambeeyey si weyn looga soo shaqaynayey.

Guddoomiyaha xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi oo halkaasi ka hadlay ayaa soo dhaweeyay ururka RAYS ee la midoobay Kulmiye, “Anaga oo markii aynu tartamaynay iyo markii dambaba naawilaynay inuu ILAAHAY isku keen soo celiyo oo aynu mar uun midowno, haddii aad taa naga yeesheen aad iyo aadbaad u mahadsan tihiin, waanuna idinka guddoonay, waxaanan ILAAHAY ka baryayaa inaynu guul wada gaadhno,” ayuu yidhi Guddoomiye Muuse Biixi.

Kulmiye_Rays2Guddoomiyaha ururka RAYS Xasan Gaafaadhi oo halkaas ka hadlay, ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay isbahaysiga dhexmaray Xisbiga Kulmiye, taas oo uu tilmaamay inay u sahli karto helitaanka fursad ay ku gaadhaan damacooda siyaasadeed.

Rays-Kulmiye

Waxa kale oo munaasibaddaas ka hadlay Masuuliyiin ka socotay Urur-siyaasadeedka RAYS iyo Xisbiga Kulmiye kuwaas oo dhammaantood ku dheeraaday muhiimadda midowga dhexmaray labada dhinac iyo miisaanka taageerayaasha Rays ku soo kordhin karaan Xisbiga Kulmiye.

SOMALILANDPOST.NET