Ururka WADDANI oo maanta Dhoolatus Miisaan leh soo Bandhigay, Ololihiisana uga faa’iidaystay Xoolo ay u qeybiyeen Cisbitaalada iyo Danyarta

Xarunta Agoomaha Hargeysa

Hargeysa (SLpost)- Wareegii labaad ee Tartanka Ololaha Doorashada Golayaasha oo maalinta Barri ah soo gabo-gaboobaya, ayaa urur-siyaasadeedka Waddani oo maanta Gobolada iyo Degmooyinka dalka dhoola tus ka sameeyay ay Ololahoodii u beddeleen Xoolo ay u qaybiyeen dadka Jilicsan.

Xarunta Agoomaha Hargeysa

Hoggaanka Sare ee Urur Siyaasadeedka WADDANI oo ay Weheliyaan Murashixiinta Shan iyo labaatanka ah ee uga qayb qaadanaysa Tartanka Doorashada ee Golaha deegaanka ee Caasimada Hargaysa iyo Taageerayaal aad u badan ayaa isugu tagay Huteelka Maroodi jeex ee Bariga caasimadda Hargeysa, halkaas oo munaasibad ballaadhan lagu qabtay.

Afhayeenka Urur Siyaasadeedka WADDANI Xildhibaan Ibraahin Mahdi Buubaa oo ka hadlay xafladaasi ayaa sheegay in Urur Siyaasadeedka WADDANI isagoo tixgalinaya Go’aankii Komiishanka Doorashooyinka Qaranku soo saareen ee ay ku hakiyeen Fagaarayaasha magaalooyinka Waaweyn in laga sameeyo isu soo bax ay go’aansadeen Sidii ay Deeqo Xoolo ah ugu caawin lahaayeen bulshadda qeybaheeda Jilicsan. Waxaanu xusay inay 100 neef oo adhi ah u qeybiyeen caasimadda Hargeysa, gaar ahaan Cisbitaalka Dhimirka, Cisbitaalka Guud, Jeelka Weyn, Xarunta Agoomaha iyo Xarunta Darbi Jiifka .

Sidoo kale Sh Maxamed Cali Geeddi oo ka mid ah Hoggaanka Sare ee Urur Siyaasadeedka WADDANI oo madashaas ka hadlay ayaa tilmaamay sida ay waajibka u tahay in mar walba wixii wanaag ah la isku guubaabiyo,waxaanu xusay in Ururka Wadani uu u taagan yahay wax u qabashada dadka Jilicsan,iyo sidii ay u heli lahaayeen cadaalad iyo sinaan dhab ah.

Waxaa kale oo Halkaasi ka hadlay Qaar ka mid ah Murashixiinta Urur Siyaasadeedka Wadani ee u taagan doorashada golaha deegaanka ee caasimada hargaysa.

Dhinaca kale, Xildhibaan Xasan Cabdi Maxamud (Xasan Xaydh) oo ka tirsan Golaha deegaanka caasimada Hargaysa isla markaana ah Murashax mar kale u taagan doorashada golaha deegaanka ee Urur Siyaasadeedka Waddani, ayaa Taageerayaashiisa kula kulmay Xaafadaha Xawaadle, Sh. Cumar iyo Xaafadda Ayaxa halkaasi oo si miisaan leh loogu soo dhaweeyay.

Gudoomiyaha Golaha Wakiilada isla markaana ah Gudoomiyaha Urur Siyaasadeedka Waddani Mudane C.raxmaan Maxamed C.laahi Cirro iyo Wefti uu hogaaminayo ayaa Taageerayaasha Ururka Waddani ee Magaalooyinka Gebilay,Tog-Wajaale, Dila iyo Boorama, waxa  ay kala qayb galeen isu soo bax ballaadhan oo ay ku soo bandhigeen cududdooda taageero ay u hayaan urur-siyaasadeedka Waddani.

Somalilandpost.net/Hargeysa