Urur-siyaasadeedka WADDANI oo Cududdii ugu ballaadhneyd ku soo bandhigay taageerayaashiisa Gobollada Dalka

Hargeysa (SLpost)- Hoggaamiyaha urur siyaasadeedka Waddani, ahna Guddoomiyaha golaha Wakiiladda Somaliland Md Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), ayaa maanta khudbad dheer u jeediyay taageerayaasha ururkaasi oo cududooda ku soo bandhigay fagaraaha beerta xoriyadda Hargeysa.

Guddoomiye Cirro, waxa uu Mucjiso ku tilmaamay faraha taageerayaasha Waddani ee isugu soo baxay Hargeysa, ayaa sidoo kale u mahad-celiyey taageeryaasha Waddani oo uu tilmaamay inay muujiyeen cudud daboolka ka qaaday in ururka Waddani u gudbi karo xisbi qaran.

Md Cabdiraxmaan Cirro oo ugu horeyn salaan u diraya taageerayaasha Gobolada iyo degmooyinka dalka ayaa yidhi “Waxaan salaan Wadaninimo u dirayaa dhammaan Waddaniyiinta qiimaha badan ee aanan fursada u helin inaan kala qayb-gallo farxadan weyn, waxaan meel kasta oo aad joogtaan aan qof qof idiinku salaamayaa idiinkuna Mahad-celinayaa taageerada mucjisada ah ee aad u muujiseen Waddani iyo musharixiintiisa, waxaad maanta muujiseen cududiina iyo inaynu ka gudubnay ururnimadii oo aynu xisbi u gudubnay”

Guddoomiye Cirro, waxa uu sharaxay siyaasada Waddani ee golayaasha deegaanka “Siyaasadda Waddani ee golayaasha deegaanku waa in la nidaamiyo oo la la tayeeyo oo hagaajiyo golayaasha deegaanka dalka, si ay muwaadiniinta iyo bulshada ugu fidiyaan addeeg wanaagsan, siyaasadda Waddani waxa ka mid ah in la sameeyo guddiyo horumarineed oo ah heer heer deegaan iyo ilaa heer Tuullo, waxa ka mid ah kobcinta dhaqaalaha degmada, iyadda oo laga duulayo nidaam cashuureed oo daah furan, waxa ka mid ah in la bediyo kormeerka iyo hanta-dhowrka si loo ilaaliyo hantida degmada, waxaana ka mid ah waxyaabaha aynu u dooranayno in dadka degmada la siiyo addeegyadda aasaasiga ah ee ay u baahan yihiin oo ay ka mid yihiin biyaha, laydhka, waxbarashada sida Malcaamadaha iyo Iskuulada hoose, ilaalinta nadaafada, bilicda deegaanka, samaynta cashuuraha caafimaadka, rugaha booliska iyo samaynta garoomo ciyaareed, nidaamka dhul bixinta iyo ilaalinta danta guud, in la siiyo biyo iyo laydh lacag la’aan ah dhammaan Masaajiida iyo Malcaamadaha Qur’aanka”ayuu yidhi waxaanu intaa sii raaciyey isaga oo tusaale u soo qaadanaya Wareysi uu ka qaaday Wariye Axmed Xasan Cawke “Wariye Axmed Xasan Cawke, ayaa waxa uu I waydiiyey inaan ku jiro Guri aan leeyahay ama mid dawladu leedahay ama mid kiro ah, waxaan kaga jawaabay inaan guri kiro ah ku jiro, waxaan filayaa inay layaab ku noqotay, laakiin waxaan idinka rajaynayaa inaad lahaataan amaano (Musharixiinta), arintaasina waxay tusaale u noqonaysaa dhammaan musharixiinta, idinkana (taageerayaasha/shacabka) waxay idiin noqonaysaa damaanad ah in musharixiinta Waddani ay ku sifoobi doonaan karti iyo daacadnimo”

Guddoomiye Cirro, waxa uu sheegay in Waddani yahay mid la wada leeyahay “Ururka Waddani waa mid la wadda leeyahay, waxaana ku midoobay, waxa ku soo biiray aqoonyahan iyo siyaasiyiin calculus oo ah labeenta Somaliland, waxaad ka wada warqabtaan in xisbigii UDUB ee dalka soo hogaaminayey 19-ka sanadood uu ku soo biiray Waddani, waxa kale oo aanu idiinku bushaaraynaynaa inay qaar kale oo badana ku soo biiri doonaan ururka waddani, Walaalayaal sababta Waddani la isugu imanayaa waa siyaasada Mudakarka ah ee tudhaalaha ah iyo deganaanshaha oo astaan u ah Somaliland iyo Waddani-ba”ayuu yidhi waxaanu intaa sii raaciyey, “Waxaanu idiinka codsanaynaa ninkii qaaliga ahaa ee Walaalkeen ahaa ee inaga baxay Cabdilaahi Siciid Dheere, waxa kale oo aanu Alle caafimaad uga baryeynaa Xildhibaan Cali Xaaji oo dhaawacmay.”

Guddoomiyaha Waddani waxa kale oo uu sharaxay hadafka Waddani ee Mustaqbalka “Hadafka ururka Waddani waa in Somaliland noqoto qaran Madax-banaan, dalkana gaadhsiiya horumar, waxaan dhammaan ugu baaqayaa taageerayaasha ururka Waddani meel kasta oo ay joogaan ilaaliyaan nidaamka, dhaqanka Islaamka, inay u hogaansamaan xeerarka Komiishanku soo saaro,”ayuu yidhi guddoomiye Cirro.

Somalilandpost.net/Hargeysa