Urur-siyaasadeedka WADANI oo kaalinta koowaad ka galay Madax-taabashada Shacbiyadda ururrada ee Gobolka Maroodijeex

Hargeysa, 19 March, 2012(SLpost)– Urur-siyaasadeedka WADANI ayaa noqday Ururkii Kaalinta koowaad ka galay ururada ilaa hada diiwaan galiyey Kunka qof oo madaxtaabasho ah ee Gobolka Maroodijeex, kuwaas oo ay Gudida Diiwaan galintu shuruud kaga dhigtay Ururadu inay buuxiyaan.

Gudida Diiwaangalinta Ururada Siyaasiga ah ee Somaliland oo ku sugan Magaalo madaxda Gobolka Maroodijeex ee Hargeysa, ayaa waxa ay saaka magaaladani ka bilaabeen diiwaanglainta kun qof oo madaxtabasho ah, kuwaasi oo ka mida shuruuhada lagu kala reebayo ururada siyaasiga ah.

Kusimaha guddoomiyaha Urur-Siyaasadeedka WADDANI ahna guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi oo kumaan kun oo isugu soo baxay fagaaraha garoonka kubadda Cagta ee Dhalinta kacaan ayaa waxa uu taageerayaasha ku bogaadiyey sida ay isugu soo baxeen.

“Waxaan faraxsanay kumaankun ka qof ee ah taageerayaasha Ururka Waddani ee isku soo baxay garoonka kubadda cagta ee Dhalinta Kacaan,waan idinka mahad-celinayaa, oo aan idinku boorinayaa inaad nabadgelyada ilaalisaan iyo amaanka guud ahaanba, goob wal oo aad ku sugan tihiin waa inaad sida anshaxa fiican ee ay ku dheehan tahay kalsoonida iyo wanaaga ee aad u isugu soo baxdeen waa inaad goobihiini ku noqotaan. ”Ayuu yidhi Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cabdiraxmaan Cirro).

Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cabdiraxmaan Cirro) waxa ku ugu baaqay taageerayaasha Ururka Waddani inay isku xidhnaadaan,isla markaana anshaxa ilaaliyaan inta ay socoto hawsha guddida diwaangelintu sida madax-taabashada ah u tirinayaan taageerayaasha gobolada dalka oo ay shuruud ka dhigeen in Urur kasta Gobolkasta laga helo ugu yaraan qof oo taageersan.

Sarkaal sare oo ka tirsan guddida diwaangelinta Ururada Siyaasada ayaa waxa uu halkaasi ku tiriyey kumaankunkii qof ee isugu soo baxay Fagaarahaasi, waxaanu si madax-taabasho ah u tiriyey in ka baddan 4000 qof (Afar kun oo qof) oo isku soo baxay,kadib markii uu tiriyey afarta Kun qof ayuu joojiyey.

Waxa saaka madashaasi ku soo bandhigay ciyaaraha hidaha iyo dhaqanka koox si qurux badan ugu labisan dharka hidaha iyo dhaqanka,kuwaas oo qeybaha kala duwan ee Ciyaraha ku soo bandhigay.

Wejigan labaad ee ay taageerayaasha Ururka Waddani isugu soo baxeen Gobolka Maroodijeex ayaa waxay ku soo baxeen Kaalita kowaad,kadib markii in ka baddan afar kun oo qof isugu soo baxeen garoonka kubadda Cagta ee Dhalinta-Kacaanka, kuwaas oo luxayey, isla markaana qaar ku labisnaayeen calanka Ururka WADDANI iyo calaamada.

Ururka WADDNI ayaa waxa uu ka soo gudbay, isla markaana kaalinta kowaad ku soo baxay Wejigii 1aad ee shalay taageerayaasha Ururka Waddani ee Gobolka Boorame isugu soo baxeen, taas oo uu wacdaro ka muujiyey isla markaana uu ugu dad badnaa.

SLpost News

Hargeysa/Office