Urur siyaasadeed cusub oo isu diyaarinaya ka qayb-galka tartanka Doorashooyinka Golayaasha Deegaanka oo lagaga dhawaaqay magaalada Birmingham ee dalka UK

Guddoomiyaha Ururka

Birmingham, (SLpost)- Urur siyaasadeed la magac baxay SHACAB oo ka mid noqon doona ururrada siyaasadda ee Somaliland ayaa dorraad lagaga dhawaaqay magaalada Birmingham ee dalka Boqorotooyada Ingiriiska.

Guddoomiyaha Ururka

Xaflad balaadhan oo lagu maamuusayay daah furka ama asaaska furitaanka urur siyaasadeedkan ayaa lagu qabtay magaaladan ayaa waxa ka soo qayb galay xaflada daah furka urur siyaasadeedka ‘SHACAB’ gudoomiyaha ku meel gaadh ka ah ee ururka Mudane: Dalmar C/laahi Diiriye iyo xoghayaha guud ee ururka Mudane: Maxamed Xassan Gabay. Waxaa kaloo kasoo qayb galay xaflada daah furka urur siyaasadeedka SHACAB C/raxmaan A. Ismaaciil Suldaan Xirsi Qani.

Farxaan Maxamed Cali Qoys iyo qaybo ka mid ah jaaliyada Somaliland ee ku dhaqan magaalada Birmingham.

Khudbadii halkaa uu ka jeediyay gudoomiyaha ku meel gaadh ka ah ee urur siyaasadedka SHACAB Mudane: Dalmar C/laahi Diiriye waxaa ka mid ahaa, isagoo faahfaahin ka bixinaya waxa ku dhaliyay inay furaan urur siyaasadeed xiligan la joogo iyo weliba goobtan ay joogaan ee UK amaba Europe wuxuu yidhi.

Urur Siyaasadeedka Cusub ee ‘SHACAB’ wuxuu ka dhashay baadhitaan qoto dheer iyo xidhiidh balaadhan ooy wada sameeyeen dhalinta reer Somaliland ee ku dhaqan qaarada Europe gaar ahaan UK iyo dhalinta ku dhaqan dalka gudihiisa waa dalkeena hooyo ee. Baadhitaan kaa dheer ka dib waxaanu ogaanay/ helnay baahida dhabta ah ee ay dhalinta reer Somaliland gudo iyo dibedba u qabaan urur siyaasadeed cusub oo ka turjumaya baahida shacabka guud ahaan, gaar ahaana dhalinta Somaliland.

Urur kani waa kii ugu horeeyay ee noociisa ah ee lagaga dhawaaqo qaarada Europe kana turjumaya baahida dhabta ah ee dhalinta Somaliland gudo iyo dibedba.

Ujeedooyinka Urur Siyaasadeedka SHACAB anigoon halkan ku soo koobi karin waxaa ka mid ah sida aad magaca ururka ka aragtaan, ‘SHACAB’

SH. oo u taagan Sharciga.
A.   oo u taagan Aqoonta,
C.   oo u taagan Cadaalada,
A.   oo u taagan Ammaanka,
B.   oo u taagan Bulshada.

Dhamaan arimahaa kor ku xusan  iyo qaar kaloo badan ayuu diyaar u yahay inuu wax ka qabto Urur Siyaasadeed ka SHACAB.

U codee Urur Siyaasadeed ka SHACAB.
Kalsoonidaada sii Urur Siyaasadeed ka SHACAB.
Ku biir Urur Siyaasadeed ka SHACAB.

Ilaah Baa Mahad leh,, Somaliland Baa Guul leh.

Gudoomiyaha Urur Siyaasadeed ka SHACAB.

Mudane: Dalmar C/laahi Diiriye.

Email: guleid111@hotmail.com

Mobile:07888732123/ 07960600765.

Gudida qabanqaabada Urur Siyaasadeedka SHACAB

Birmingham,

UK