Urur Gobolleedka SADC Oo Markii Ugu Horeysay Ka Shiray Dhibaatadii Isir-nacaybka Ee Dalka Koonfur Afrika

Harare, (SLP)- Madaxweynaha dalka Koonfur Afrika Jacob Zuma ayaa madaxda urur gobolleedka SADC EE waddamada Afrikada Koonfureed uga u sheegay in xukuumaddiisu ay ku guulaysatay joojinta kacdoonaddii isir-nacaybka ahaa ee dhawaan ka bilaabmay magaalooyinka Durban iyo Johannesburg.sadc

Sida uu sheegay madaxweynaha dalka Zimbabwe Robert Mugabe kulan ka dhacay caasimadda dalkiisa ee Harare madaxweynaha Koonfur Afrika ayaa ka warbixiyay heerka uu marayo kacdoonkii isir-nacaybka ahaa ee ka socday dalkaas.

“Jacob Zuma wuxuu noo sharaxay wixii dhacay, sharaxaad dheer kadibna waxa uu noo sheegay in xukuumaddiisu ku guulaysatay inay soo afjarto kacdoonkaas.” ayuu yidhi Mugabe oo ah guddoomiyaha urur gobolleedka SADC ee ay ku midoobeen dalalka Koonfurta Afrika..

Guddoomiyaha urur gobolleedka waddamada koofurta Afrika Robert Mugabe ayaa ku doodday in xalka dalka Koonfur Afrika uu ku jiro in waddamada jaarku ka joojiyaan dadkooda u u haajiraya, waxaanu yidhi.  “Waxaan soojeedinayaa in waddamada jaarku ay isku dayaan sidii ay u joojin lahaayeen dadka tirada badan ee u haajiraya dalka Koonfur Afrika.”

Kulankan ay isugu yimaadeen waddamada ku bahoobay urur gobolleedka SADC ee Koonfurta Afrika ayaa noqonaya kii ugu horeeyay ee lagu naaqisho dhiibtada ka dhacday dalka  Koonfur Afrika.

Somalilandpost.net