Urur-goboleedka IGAD oo Xukuumadda Somaliland Kala-hadlay Qabsoomidda Doorashooyinka Madaxtooyada iyo Baarlamaanka

Hargeysa (SLpost)- Wefti ka socda Urur-goboleedka IGAD, ayaa maanta soo gaadhay Caasimadda Somaliland ee Hargeysa, waxaanay kulamo aan saxaafadda loo oggolayn inay goob-joog ka noqoto la yeesheen wasiirro ka tirsan xukuumadda Somaliland.

Urur-goboleedka IGAD (Inter-governmental Authority on Development) oo Xaruntiisu tahay magaalada Djibouti ee dalka Djibouti, ayaa ah urur ay dhinaca Horumarinta, ilaalinta Deegaanka iyo Ganacsiga ugu isaga kaashaadan siddeed waddan oo ku yaala Bariga qaaradda Afrika, kuwaas oo kala ah Djibouti, Somalia, Eritrea, Sudan, South Sudan, Ethiopia, Uganda iyo Kenya.

Weftigan ayaa la kulmay Wasiirro ka tirsan Xukuumadda oo ay ka mid yihiin Wasiirrada Caafimaadka Dr Saleebaan Axmed (Xagla-toosiye), Arrimaha Dibadda Maxamed Biixi Yoonis iyo Arrimaha Gudaha Cali Maxamed Waran-caddde.