Urur-goboleedka IGAD oo markii u horeysay ka hadlay Mawqifka ay ka aamisan yihiin Wada-hadallada Somaliland iyo Somaliya

Hargeysa (SLpost)- Urur-goboleedka IGAD, ayaa markii u horeysay ka hadlay mawqifkooda ku aaddan wada-hadallada ay dawladda Turkigu dhex-dhexaadinayso ee u dhexeeya Somaliland iyo Soomaaliya.

Ergayga gaarka ah ee IGAD ugu xil-saaran arrimaha Soomaalida, Danjire Maxamed Cabdi Afey oo isaga iyo wefti uu hoggaaminayaa socdaal shaqo ku joogaan dalka, ayaa sheegay in mawqifkooda la xidhiidha wada-hadallada u dhexeeya labada waddan la mid yahay mawqifka beesha caalamka ka qabto, isla markaana ay taageersan yihiin in wax kasta lagu dhammeystiro wada-hadal.

IgaddDanjire Afey iyo xubnaha ku wehelinaya weftigiisa oo shalay ka qayb-galay qado-sharaf wasiirka arrimaha dibadda u sameeyey, ayaa mar wax laga weydiiyey mawqifkooda la xidhiidha wada-hadallada, waxa uu ku jawaabay, “Wax walba oo wada-hadal loo galo waanu soo dhawaynaynaa, wada-hadalka hadda lagu jiro waa wax aanu dhiiri-gelino, arrimaha oo kalena waa arrimo talo ahaan aanu kala simannahay caalamka. wax walba in wada-hadal lagu galo waa shayga kaliya ee muhiimaddu ay tahay,” ayuu yidhi Dajire Afey.

Waxa kale oo uu ka hadlay qadiyadda madax-bannaanida Somaliland iyo qaabka uu urur-goboleedka IGAD ugu gudbin doono war-bixinta ay weftigiisu ka diyaariyaan socdaalkooda Somaliland, waxa uu kaga dhawaajiyey muhiimadda ay leedahay in la tixgeliyo rabitaanka dadka iyo horumarinkooda. “Wixii ay shacabkani samaysteen, waxa muhiim ah in la gudbiyo oo la sheego oo la ogaado waxa ay yihiin,” ayuu yidhi Danjire Maxamed Cabdi Afey.

Maxamed Cabdi Afey iyo weftiga IGAD ee uu gadh-wadeenka u yahay, ayaa Axaddii todobaadkan safarkooda shaqo ku soo gaadhay Somaliland, waxaanay kulamo la qaateen Madaxda laamaha dawladda oo isugu jira Wasiirro xukuumadda ka tirsan iyo shir-guddoonnada labada Aqal Baaralmaan.

Hoggaamiyaha weftiga IGAD oo ka hadlay ujeeddada socdaalkooda Somaliland, waxa uu sheegay inay Masuuliyiinta Dawlada kala hadli doonaan doorashooyinka la filayo sannadka 2015-ka inay dalka ka qabsoomaan.

SOMALILANDPOST.NET