Urur-goboleedka IGAD oo Dowladda Ruushka kala Hadlay Saldhig Milatari oo uu ka Samaysto Somaliland

Wasiirka Arrimaha Dibadda Ruushka iyo Xoghayaha Fulinta IGAD

 

Ruushka oo Xarun Caafimaad lagu daweeyo Cudurka Kansarka ka dhisaya Ethiopia

Moscow (SLpost)- Urur goboleedka IGAD iyo Dowladda Ruushka, ayaa ka wada-hadlay hirgelinta dhismaha Saldhig Milatari oo dalkaasi qorsheynayo inuu saldhig Milatari ka samaysto Somaliland.

Dowladda Ruushka ayaa bishii April ee sannadkii 2018-kii shaaciyay qorshe ay ku damacsan yihiin inay saldhig milatari ka samaystaan magaalada Saylac, sida uu shaaciyey wargeyska Daily Nation oo soo xignaya ilo-wareedyo dhanka dibloomasiyadda ah.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Ruushka iyo Xoghayaha Fulinta IGAD

Haddaba, arrinta ku saabsan Saldhigga Miltari ee Ruushku ku doonayo inuu ka samaysto Somaliland ayaa lagaga hadlay kulan todobaadkii hore magaalada Moscow ku dhexmaray Wasiirka Arrimaha Dibadda Ruushka Sergey Lavrov iyo Xoghayaha Fulinta Urur-goboleedka IGAD, Dr. Workneh Gebeyehu.

Sida ay warbaahinta Somalilandpost.net ka soo Xigatay Wakaaladda Wararka Sputnik oo waraysi la yeelatay Sarkaalka ugu sarreeya Urur goboleedka IGAD, kulanka labada masuul dhex-maray ayaa lagaga hadlay arrinta ku saabsan saldhigga Milatari ee Ruushku hore u sheegay inuu ka samaysanayo Somaliland, arrintaas oo uu xusay inay u muujiyeen mid aanay taageersanayn.

Dr. Gebeyehu oo la weydiiyey suurto-galnimada in Ruushku Saldhiga Milatari ka samaysto Somaliland, waxa uu sheegay inay dowladda Ruushka u furan tahay Xidhiidh iyo wada-shaqayn dhexmarta dalalka gobolka, balse ay muhiim tahay in la xaqiijyo inaanu khatar ku aheyn xasiloonida dalalka gobolka.

“Ruushka wuxuu leeyahay siyaasad dibadeed oo aad u fiican oo ay ka mid tahay inaanu soo faro-gelin arrimaha gudaha ee dowladaha xubnaha ka ah IGAD. Taas waanu taageersanahay. Ma dooneyno faragelinta arrimaha gudaha ee xubnaha IGAD, laakiin waxaan dooneynaa inaan iska kaashanno la dagaalanka argagixisada iyo inaan gobolka ku soo dabbaalno nabad waarta.” Sidaas ayuu yidhi Sarkaalku, waxaanu intaas ku daray “Ma doonayno in la carqaladeeyo geeddi-socodka nabadda gudaha, in hal waddan ama gobolka laga dhigo goob lagu tartamo”.

Sidoo kale, War-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Ruushka oo lagaga hadlay natiijada kulanka dhexmaray labada masuul Arbacadii todobaadkii hore oo warbaahinta Somalilandpost.net heshay, ayaa lagu sheegay in qodobbada ugu muhiimsan ee khuseeya arrimaha ammaanka ee laga wada-hadlay yihiin sidii nabad-waarta looga dhalin lahaa Koonfurta Suudaan isla markaana looga wada-shaqayn lahaa sii xoojinta dedaallada loogu jiro xasilinta Soomaaliya.

Dhanka kale, Sarkaalkani waxa uu sheegay inay Dowladda Ruushka u soo bandhigeen iskaashi iyo caawimooyin dhinaca horumarka iyo adeegyada Arrimaha bulshada ah oo laga fuliyo dalalka gobolka, gaar ahaan sidii magaalada Addis Ababa ee dalka Ethiopia looga hirgelin lahaa dhismaha Xarun Caafimaad oo lagu daweeyo Cudurka Kansarka.

“Waxaanu ka dhisi doonnaa Addis Ababa Xarun heer sare ah oo Kansarka lagu daweeyo. Dowlada itoobiya waxay na siisay dhul aan ugu tala galnay ujeedadaas. Waxaana ka codsanay teknolojiyadda, Agabkan iyo maalgalinta Xaruntan. Tani waa arin kale oo aan soo qaaday kulankii Wasiirka Arimaha Dibada Sergey Lavrov, isna si wanaagsan ayuu uga jawaabay,” ayuu yidhi Gebeyehu.

Xoghayaha IGAD waxa uu sheegay in Rabitaanka Iskaashiga ee ay Moscow kaga codsadeen dhismaha xarunta cusub ay salka ku hayso Aqoonta dhinaca Caafimaadka ee Ruushka, waxaanu xusay in hirgelinta mashruucani gacan ka geysanayo Xoojinta xidhiidhka qoto-dheer oo dhexmara Ruushka iyo Bariga Afrika.

 

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net