Urur-goboleedka IGAD oo Bahdilay Maamulka Muqdisho kuna Eedeeyay In ay Shacabka Taangiyo ku Garaacayaan

 

Muqdisho-(SLpost)- Wakiilka urrur goboleedka  IGAD u qaabilsan Soomaaliya, ayaa farriin adag oo uu ka siday beesha caalamka iyo urrurka IGAD, ku bahdilay si aad ahna ugu cannantay madaxda Soomaaliya, oo uu sheegay inay shacabkii taangiyo la dhacayaan.

 

Wakiilka Urrurka IGAD, u qaabilsan Soomaaliya, waxa uu tibaaxay in la soo faray in uu fariintan gaadhsiiyo madaxda Soomaaliya, fariintaas oo xambaarsanayd cannaan ba’an oo bahdilaad ku ah madaxda Somalia, laguna sheegay inay hawlsan yihiin una baahan yihiin in maxakamad caalami ah la saaro.

 

Wakiilka IGAD, waxa uu  si adag ugu canaantay Raysal Wasaaraha Soomaaliya, kaalintii xukuumadda oo aan meesha ku jirin. Farriintan waxaa lagu sheegay inaanay madaxda Soomaalia is waydiin sababta dalalka IGAD ugu dhimanayaan gudaha Somalia iyo sababta ciidamo shiisheeye loogu baahan yahay haddii Somalia haysato ciidamadii iyo hubkii Gaalkacayo lagu garaacay maalmihii la soo dhaafay.

 

Waxaa farriinta ka muuqatay in saluug weyn laga qabo madaxda Soomaalyia, iyada oo lagu sheegay in haddii shacabkiiba la laynayo aanay ahayn in laga hadlo hiigsiga sannadka 2016-ka, waxaana lagu dhalliilay maamul goboleedyada oo u muuqda dawladdo kala madax bannaan oo mid walba ciidan u gaar ah ay si gooni u ah u leedahay.

 

https://www.youtube.com/watch?v=rsejyhknyuc