UNHCR Oo Walaac Ka Muujisay Xaaladda Dalka Burundi Iyo Mucaaradka Dalkaas Oo Madaxweynaha La Kulmay

Nairobi, (SLpost)- Madaxa laanta qaxoontiga ee hay’adda UNHCR Antonio Guterres oo warbaahinta kula hadlay magaalada Nairobi ayaa sheegay inuu aad uga warwarsan yahay qalalaasaha dalka Burundi ka oogan, kaasoo uu tilmaamay inuu durba dhaliyay kumanaan qof inay waddankaas ka qaxaan oo waddamada la jaarka ah ay tagaan, waxaanu xusay Antonio Guterres inay xaaladdiisu ka sii darayso haddaan xal la helin. “Aad ayaan u warwarsanahay in ka badan 20 kun oo qaxoonti ah ayaanu ku haynaa Rwanda, kuwa dhawaad ilaa 10 kunna Tanzania, afar ilaa shan kunna jamhuuriyadda dimuqraadiga Congo. Nasiib-darro dhibaatadu way ka fog tahay inay dhamaato.” ayuu Antonio Guterres.Antonio Guterres

Maanta waxay magaalada Bujumbura wada-hadallo ay uga bilaabmeen dawladda dalka Burundi iyo mucaaradka dalkaas, si loo dejiyo xiisadda iyo banana-baxyada ay dadku ku naf waayeen ee lagaga soo horjeedo, hadalkii uu madaxweynaha dalkaas Pierre Nkurunziza ku dhawaaqay ee ahaa inuu mar saddexaad doorashada isu soo taagayo, taasoo qabsoomi doonta bisha June, wada xaajoodkan ayaa socda, iyada oo meelo ka mid ah dalkaasna ay mudaharaado ka dhacayaan.

Xiisadda dalka Burundi meelaha ay walaaca galisay waxa ka mid ah waddamada geeska Afrika oo dhawaan wasiiraddooda arrimaha dibaddu ay tageen ay dalkaasi, isla markaana ay kulamo la qaateen madaxweyne Pierre Nkurunziza, waxaanay u bandhigeen hindise xal lagu gaadhi karo oo lagaga bixi karo qalalaasaha xilligan ka oogan dalkiisa.

Somalilandpost.net