UNHCR Oo Kenya Uga Caqli-celisay Go’aankeedii In La Celiyo Qaxoontiga Soomaalida

Nairobi, (SLP)- Hay’adda Qaramada Midoobay  u qaabilsan qaxoontiga ee UNHCR ayaa ku boorrisay madaxda dalka Kenya inay dib u eegaan go’aankii ay soo saareen ee ahaa in qaxoontiga Soomaalida ah ee Dhadhaab ku jira dib loogu celiyo dalkooda muddo saddex bilood gudahood ah.

Warsaxaafadeed ay hay’addu kasoo saartay maanta magaalada Nairobi ayay ku sheegtay inay diyaar u tahay inay kala shaqayso xukuumadda Kenya sidii loo fulin lahaa qodobbadii ku jiray heshiiskii la gaadhay ee ahaa inaan qasab lagu rarin qaxoontiga Dhadhaab ku nool. Sidoo kalena ay Kenya kala shaqayn doonaan ka difaacidda shacabkeeda iyo qaxoontiga kooxaha weerarrada kusoo qaadaya dalkooda.Qoxooti_Soomaaliyeed_Kenya_to_Somalia

“Mas’uuliyiinta Kenya waxaanu ku boorinayaa inay tixgeliyaan codsigayagan,” ayaa lagu yidhi war-saxaafadeedka ay hay’adda UNHCR kasoo saartay xarunta dalka Kenya ee Nairobi.

Hadalkan ayaa kusoo beegmaya iyadoo Sabtidii todobaadkan madaxweyne ku-xigeenka Kenya, William Ruto sheegay inay hay’adda UNCHR ka dalbadeen inay muddo saddex bilood gudahood ah dib ugu celiso Soomaaliya qaxoontiga ku jira xeryaha Dhadhaab.

Ruto ayaa sheegay in xeryaha Dhadhaab ay noqdeen meelo ay Xarakada Al-shabaab kasoo abaabusho weerarrada ay ka gaysanayso dalkeeda, waxaanu intaas ku daray in Kenya ay ammaanka waddankeeda ka hor-marinayso ilaalinta sharciyada caalamiga ah ee dhowrista qaxoontiga.

Sidoo kale, UNCHR waxay walaac xooggan ka muujisay in si qasab ah loogu celiyo gudaha Soomaaliya qaxoontiga ku jira xeryaha Dhadhaab-Kenya, waxayna ku sheegtay qoraalkeeda in weli Soomaaliya aanay ka jirin xasillooni amni oo la isku hallayn karo.

“Hay’adda UNCHR si dhow ayay ula shaqaynaysaa dawladda Kenya, innagoo si fiican ula soconna xaaladda amni ee xilligan ka jirta gobolka Waqooyi-bari ee dalka Kenya ka jirta iyo weliba hanjabaadaha soo wajahaya,” ayaa mar kale lagu yidhi war-saxafadeedka UNHCR. Waxaana intaas lagu daray. “Sidoo kale waxaan aqoonsanahay waajibaadka xukuumadda ee lagu xaqiijinayo amniga shacabkeeda iyo dadka kale ee dalka ku nool oo ay ku jiraan qaxoontiga.”

UNHCR waxay xustay inay kala shaqaynayso dawladdaha Soomaaliya iyo Kenya sidii loo ilaalin lahaa heshiiskii qaxoontiga ee ahaa inaan qaxoontiga ku nool Kenya lagu qasbin inay si qasab ah ugu laabtaan dalkoodii, laakiinse ciddii ogol loo fududeeyo in la geeyo halka ay doonayso.

“Si kastaba ha ahatee, hadda UNHCR ma aragto qorshe qaxoonti fara badan lagu celin karo Soomaaliya, waayo qaybo ka mid ah dalka waxaa weli ka jira xaalado deganaansho la’aan, gaar ahaan deegaannada Koonfurta Soomaaliya ku yaalla,” ayay hay’addu ku sheegtay qoraalkeeda.

Ugu dambeyn, hay’addu waxay xustay in la sameeyay tijaabo qaxoonti doonayay inay si is-kood ah ugu laabtaan magaalooyin ku yaalla Soomaaliya bishii December 2014-kii, kuwaasoo lagu celiyay magaalooyinka Luuq, Baydhabo iyo Kismayo.

 

Somalilandpost.net