Umusha isku go’day, hooyada haraadan iyo dhallinta tahriibtay cashuurtoodi cid gaara dheefsatay!

Mudane fooq bineeyay mooshinkii kadib, waaka aayahaygii maalinba nin fiilo ku dhisanaayo. Shaqo la’aanta iyo busaaradda dhallintu ka tahriibayso sababteedu waata muuqata. Markii la weelayn waayay cashuurtii ummad ee masuuliyad lagu maamuliwayay waata lakala boobay ee badh baan ku dhacday iyo baloodho lakala siistay. Hiigsi asaageen aynu gaadhnaa innaga dheer inta hantida ummad horror la doortay higaayo, kan jooga ee waraaboobay iyo ka soo socda haduu dhabaha maro rajadu mugdigaasay ku jiraysaa. Waan ka xumahay xildhibaano fooqaq seeskoodu bineeyay oo hantidii ummad jeebka loogu shubay, dhiilo hilashada iyo cashuur hiigid waa dub u dhaca inna ragaadshay.

dhdh

Nasiib darro weeyaan in lagu laaluusho xidhibaano cashuurta ummad oo lagu boobo hantida ummada, ogolin haddi la mariyo sharciga oo la caddeeyo baahida keentay xaraashka hantida, sababta loo iibinaayo ee loo wareejinaayo, ganacsatada si xora oo xalaala loo tartansiiyo, xisaabta lacagta laga qaadana xasibaadka qaranka ee ummada lagu shubo oo loo qorsheeyo halka la gelinaayo ee manfac ummada u leh. Inta la qaybsanaayo ee qaydhinka lagu qaybsanaayo hantida ummada aamusimayno oo damiirkeenu yeelmaay sida eega arrin yahay, haddi hebelo jeebka loogu shubaayo hantida ummada ka dhaxaysa waa khiyaamo qaran iyo xatooyo aan xeer lahayn.

Haamaha hadda laga taajiray ee galbintooda iyo wareejintooda laga hodmayo ummaday ka dhexeeyaan, ka lasii gudaaya ee iibinaaya iyo ka hareerta la haya ee baqshiishka qaadanayaba waa masuuliyin qaranka loo dhaarshay. Qarsi ma jiro oo waa badheedh boobku, waxa feedhka laysugu hirgisayaa ee loo kala xishoonwayay saw danta-guud dabkaan saaraya iyo ha cunin maaha? Madaxweyne Siilaanyo sidaan ka maqlay waayeel musuqa wuu necbaa hadeer haddu ogyahay xaalku halkuu maraayo kama aammusene malaha xantii la sheegayay iyo taladii sida xeedhada la wadaagayay waxbadani run ka yihiin, haddu badheedhayo oo ogyahay xatooyada hantida qaranka madaxnimooy hoog!

Waagii Riyaale dalka hoggaminaayay ee la iibiyay guryihii shacabka Siilaanyo siduu uga dhiidhiyi jiray waxay rajo gelin jirtay shacabka doortay oo waxa la filaayay inuu ku tuntuunsan doono xannaanaynta danta guud inta hadhay. Xannaano haba joogtee hadh cadbaa dantii guud siday u kala qaalisanayd la wareejiyay, guryo waa saleelee wrshdii laydhka, haamaha oo hadda loo ham iyo digleeyay, dekedoo hunguraynteeda meesha ka maqanayn , buurihii oo badhna la baadhay badhna ajaanib loo xayndaabayo, intaas iyo inkaloo badanba sharciga lama marin xeerna lama waafajin waa badhka hadhay adna ha hanbayn. Dhiidhigii waqtigaasi wuxuu ahaa noo daaya annaguna aanu intaa xaraashnee, qoladan wax laga dhaxalaayaba ma jiraan Eebbow qaadir inay ciidankana wareejiyaan oo yidhaadan shirkadaasa dayctiraysa hadhay ilay laga xishoon waa meelo muhiim ahaayee.

Masuuliyiinta danta guud xalaalaystay qaadirna waa eegayaa bulshaduna way ogtahay, xisaabi way danbaysaa maalin lays waydiin doono hantida ummada ee la xalalaystay. Mudane madaxweyen hadaad inuun xogogaal tahay xaalka dalka ka hadal oo danta guud caynaan badbaadsha noqo, madaxweyne

 masuuliyadda dhaarta Alle aad ku martay ilaali oo adkee amaanada ummadu kuu dhiibtay, wasiirada milyaneerada noqday dhunkaalbay dhitaysteen waxay ka hodmeen cashuurta umusha isku go’day, agoonta qatan, ubaxa tahriibay ee saxaraha, badda iyo magafaha ku le’day. Hooyada haraadan, hanti maaha maandhoow ee waa naar waxaad kiishka iyo baanka ku cabayasay.

Maxamed Sidiiq Dhamme