UMP oo Geelle u Dooratay Musharaxooda

Jabuuti(SLpost)-Isbahaysiga haya talada dalka Jabuuti ee UMP ayaa xalay u doortay madaxweynaha waddankaasi Ismaaciil Cumar Gelle inuu noqodo musharraxa ugu tartamaya doorashada madaxweynennimo.

Madaxweyne Geelle oo xalay ka hadlay xafladda lagu doortay ayaa mucaaradka ku eedeeyay inay doonayaan inay burburiyaan Djibouti.

61227444-FE96-4CE5-9A79-D4EBEA1DFF0A_w640_r1_s

Dhinaca kalena isbahaysiga mucaaradka Jabuuti USN ayaa shuruud ku xiray inay ka qeyb galaan doorashada madaxtinimada Jabuurti. Afhayeenka ishaysiga Daahir Axmed Faarax ayaa sheegay in doorashada ay ka qeybgali doonaan oo kaliya marka la helo guddiga madaxbanaan ee doorashada.