Ummad Waxa Mideyn Kara, Wax Ka Weyn Damac Shakhsi iyo Xisbi

bileMarkii uu socday halgankii dalka lagu xoreynayey, umaddu waxa ay laheyd hal hadaf oo si cad loo qeexey oo lagu sheegey luqad mutacalimka, badowga, siyaasiga iyo qofka caadiga ihiba si sahlan u

fahmi karaan, waxaaney aheyd “waa in dalka laga xoreeyaa Xukunka daalimka ah”.  Wuxu ahaa hadaf qof kastaa sida uu yahay u qaatey, natiijada la rabo in la gaadhana ay dadka isku si uugu muuqatay. Qofka joogey Burco iyo ka Sucuudiga joogay, amase ka London joogay iyo Kenya joogay isku si ayuu hadafkaasi uugu dhadhamayey. Taasi waxa ay keentay in qof kastaa ka qeyb qaato halganka meel kasta oo uu joogeyba.

Kii dalka joogey qoriga ayuu qaatey. Kii sarkaal ciidanka ahaa meel kasta oo uu joogo waxa uu u kacey dhinacii iyo halkii jabhadu degeneyd. Dhakhtarkii isaga oo aan cidi u sharxin ayuu gartey doorkiisa looga baahanyahay inu halganka ka qaato wuxaanu iska xaadiriyey halkii dhawaca jabhadda la dhigayey. Dadkii ka shaqeysanayey wadamada carabta waxa ay bilaabeen iney dhaqaale soo ururiyaan oo ay u diraan halkii halganku ka socday si ciidanka loogu helo waxey cunaan iyo dawo iyo rasaas. Dhalinyaradii Yurub iyo Mareykan joogtey waxa ay iyana ku dhaqaaqeen iney bannaanbaxyo sameeyaan oo ay dawladaha wadamadaa ay joogaan ka dhaadhiciyaan dhibka shacabka lagu hayo. Abwaankii iyo heesaagii isna doorkiisa ayuu qaatey oo iyaga oo kala joogaa meelo kala fog oo aan iswareysan ayay hadana tiriyeen heeso iyo gabayo isku nooc ah oo u wada ololeynaya hal hadaf sidii loo gaadhi lahaa. Waxan oo dhan waxa sahley oo isku dubaridey waa Hadafka la sameystey oo ahaa mid cad oo qof kastaa si sahlan u fahmey.

Marka hadafka umadi leedahay cadyahay ee si dhab ahna ay u rumeysantahay, waxa sahlanaata sida uu qof kasta oo mujtamaca ka tirsani inu door muuqda ka qaato isaga oo aan cidina u sharxin.

Muranada soo baxa iyo isqabqabsiga waxa markasta ka weynaa hadafka umaddu leedahay oo heshiis lagu ahaa oo cidkasta oo wax kale tabaneysa waxa la odhanayey horta an xukunkan daalimka ah iska tuurno, wixii kale oo dhami wey inoo danbeyne. Taasaa la isku raacayey waayo waa mabda’ la isla ogolyahay iyo hadaf cad. Marku hadafku kuu cadyahay ee ad rumeysantahay, waxba ku damqo maayaan. Waxa la maqli jirey hebel iyo intaas oo jabhaddii ah ayaa la diley, mise cidiba ma ooyeyso oo

waxa loogu jawaabayey wey shahiideen ee dhaaf. Dhimashada lafteeda ayaaba faan iyo darajo aheyd waayo qofku waxa uu u dhimanayey wax umadda oo dhami u aqoonsantahay inu ahaa xaq.

Sideed sanadood iyo wax ku dhow, waxa aad loogu mashquuley arimo hoose oo aan umadda mideyn balse ay u badantahay iney kal jajabinayaan. Waxa meeshii ka maqan wixii weynaa ee dadka kulansiin lahaa. Dabcan arimahaa qaarkood waa daruuri oo waa loo baahanyahay haddii ay noqoto in doorashooyin la galo iyo haddii ay noqoto in axsaab siyaasadeed la sameysto. Haddiisi aaney jirin hadaf intaa ka weyn oo habeen iyo maalinba la hadal hayaa, siyaasadda inteeda kale iney ina kala qeybiso

mooyee wax badan soo kordhin meyso. Waxa an ku faaneynaa horumar ayaa la sameeyey oo axsaab ayaa la furay. Waa sax oo waa loo baahanyahay, balse saddex xisbi maaha wixii umadda mideyn lahaa.  Waxa weyn ee an u socdey maaha xisbi in la furo mana aha in doorasho la galo. Waxa iga maqan wixii 5 malyuun ee muwaadiniinta iyaga oo aan cidi u sharxin ay habeenkii ku seexan lahaayeen.

Bal si ad u fahamto mawduuca an ka hadlayo, waxa maalin isku taxalujisaa waxa warbaahintu sheegeyso ama qoreyso iyo waxa siyaasiga muxaafid iyo mucaaridba lihi ay ku waramaayaan. Mawduuc kasta oo

maalintaa ay warbaahintu sheegto meel ku qoro. Ka bacdi isweydii waxan maxaa iiga faa’iido ah aniga iyo jaarkeyga iyo caruurteyda tacliintii dhameysey ee shaqada la’. Maxaase uuga faa’iido ah dalkeygan 23 sanadood an dhex joogo eenu jirin qof ii sheegi kara mustaqbalkiisu halka uu 5 sanadood dabadood ahaanayo. Waxa kaaga soo baxeysa meeshaa in xaalkeena maanta uu isku meereysigu ku badanyahay, oo  koox meel isku urursatey ay la tartameyso koox kale oo iyaba cadilan oo aan waxba isdhaamin, hadddii ad istidhaahdu ka qeyb qaadana inad qabiil ku raacdo mooyee garan meysid waxa ad midna ku diido midna ku raacdo.

Ahdaafteena siyaasadeed ma qeexna oo weli waxa ay dhaafi laadahay meelo hoose oo ah midnimada hala ilaaliyo, iyo gooni isu taagga iyo madax bannaanidu waa lama taabtaan iyo Somaliland waa dal jira.

Kalmadahani waa wada afsoomali run ah, balse haddana macno qeexan oo 5 malyuun oo qof kulmin kara ma saarna haddii aan la sheegin natiijada laga rabo iyo waxa ay tahay in laga dheefo. Halgankii aroor kasta marka ad soo toosto waad garaneysey halka wax marayaan iyo halka ad adigu kaga toosantahay. Balse, hadaladan iminka socdaa qofba macne gooni ah ayey u sameyneysaa sababta oo ah waaney qeexneyn.

Waxa maanta loo baahanyahay in inta umadda indhaha u ihi ay u sameyso ahdaaf waaweyn oo  ulmisa umadda oo dhan oo lawada bidhaansado. Waxa inaga maqani waa hadafkii inanta dhalinyarada ah iyo islaanta miyiga joogta iyo mutacalimka iyo siyaasiga kulmin lahaa ee u sahli lahaa inuu qof walbaa door ka qaato. Hadafka noocaas ihi waa ka umadda ka saari kara isku meereysiga iyo in lagu mashquulo waxyaabo yaryar oo hoose.

Hadafka ina mideynayaa maaha dhowr xisbi oo la furto, kuwaasi waxaabey sii sahlayaan inan kala qeyb sanano, waa haddii aanu meesha oolin wax waxaa ka weyn oo inaga dhexeyaa. Mana aha inan daaro iyo wadooyin dhisano, oo kuwa inaga soo horjeedaaba intaa iyo in la mida wey dhistaan, mana aha inan doorashooyin qabsano oo an natiijada ka dhigano hebelna uu badiyey hebelna waa laga badiyey, taa lafteedu wey ina sii kala qeybineysaa haddii aan wax intaa ka weyni inaga dhexeyn.

Muxuu noqonayaa ama yahay hadafka ina kulansiinaya ee kuligeenba ku qasbaya inaan meel uuga soo wada jeedno? Maqaalka danbe ayaynu ku lafa guri bal waxa uu noqon karo hada fina mideeyaa.

Bile – Aqoonta U Adeegta Nolosha

bileaqoontaiyonolosha@gmail.com