Umad Aan Dooran Aqoon Ilaahaybaa Darayga Dhigay

waxay umadi madaxweyne xilka haya u ridaa mid kalena u doorataa rajo laga qabo inuu ka maamul iyo xukun wanaagsanaado madaxweynihii hore ama kuwii ka sii horeeyey marka ay ku qancaan barmaanijka uu u soo bandhigay inuu dalka ku hagi doono ama inuu noqon karo hogaamiye dalka u horseedi kara horumar noloshooda wax ka badeli kara.

cadami

aqoon-yahanada cilmiga siyaasada iyo kuwa dhaqaaluhu waxay isku waafaqeen aragtida ah in hogaanka fiicani kow ka yahay shuruudaha dal ku horumari karo laakiin shacabka Somaliland marka ay dooranayaan madaxdooda kama eegaan dhankaa, kumana xisbaabtamaan mustqablka balse waxay ku doortaan caadifad iyo laab la kac; waxaa lagu qiiro galiyaa oo codkoogu lagu helaa isku beel ayeynu nahay, xigto iyo xigaalo ayeynu nahay iwm qaarna codkooda waaba laga iibsadaa.

marka uu kursiga fuulo ee uu hagoogta iska rago ama uu noqon waayo kii la doonayey ayey calaacal miciinsataa sidaas awgeed Somaliland qof kastaaba wuxuu ka noqon karaa madaxweyne (In Somaliland any one can be a president). Si kastaba ha ahaate madaxweynihii hore mudane Daahir Rayaale Kaahin wuxuu suurto galiyey inuu shan doorasho qabto oo si dumuqraadi ah u dhacay oo Somaliland sumcad wanaagsan kaga heshay beesha caalamka marka laga reebo dawladaha carabta oo iyagu ku bakhaylay inay sheegaan guulaha Somaliland gaadhay.

Marka laga hadlayo waxqabadkii xukuumadii Rayaale waxaan marnaba la hilmaami karin in la sheego dhismihii cududa ciidanka qaranka iyo adkayntii isku duubnida bulshada hase yeeshee siyaasad ahaan dalka kama uu gudbin marxaladii madaxweynihii hore marxuum Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal, si kale haddii loo dhigo lama uu iman barnaamij iyo hal-abuur isaga u gaar ah sidaas daraadeed xisbiga Kulmiye isaga oo ka faa’idaysanaya dareenka dadweynaha oo ka daalay horumar la’aanta dhinaca siyaasada iyo hoos u dhac ku yimi dhaqaalaha  wuxuu ku ololeeyey inay dalka ku hogaamin doonaan marxalad cusub iyo inay samaynayaan isbadelo mug leh laakiin umadu isma ay waydiin Siilaanyo inuu yahay shakhsi ka dhabayn kara wuxuu sheegaayo ama ku balan qaadayo, mise way iskaga nasiibsadeen? Hadaba markii la doortay ma sameeyey isbadelkii la sugaayay iyo maamulkii wanaagsanaa ee Kulmiye ku hadaaqi jiray? Bulshada ku nasiibsadii waxa uga soo baxay madaxweyne daalan, tamar daro hayso, go’aan jilicsan oo awoodiisii la bililiqaystay.

Masuuliyiintii qaranka iyo qaraabadiisu waxay tartan ugu jiraan urursiga hantida ugu badan ee ay ka gaadhsiin karaan (Grab-what-you-can mentality). Sidaas oo kale waxaa la mid ah golaha wakiilada oo ka seexday doorkii ay ku lahaayeen geedi socoka iyo taabo galka dhismaha dawladnimada JSL isla markaa waxay gabeen dadkii iyo deegaanadii laga soo doortay, waxay ahayd inay ka warqabaan waayahooda iyo waxay ku sugan yihiin laakiin waxay noqdeen kuwo madaxtooyadu adeegsato, kuwo ganacsata waawayn u shaqeeya oo iyaga golaha wakiil uga ah iyo qaar danahooda iyo hungurigooda u wakiil ah waxa iyaguna la mid ah golayaashii deganaada magalooyinka dalka.

Si kastaba ha ahaate Somaliland heli mayso hogaan iyo madax ay mahadiyaan inta musharaxiinta madaxweynaha, golayaasha wakiilada iyo kuwa degaanada lagu qiimaynaayo ama qofka qualification-kiisu yahay kaliya beesha uu ka soo jeedo. umad asqaysan oo aan dooran aqoon Ilaahaybaa darayga dhigay

Cabdiraxmaan Cadami

abdirahmanadami@yahoo.com