UK oo wadahadal ka galayso xubinnimadeeda Midowga Yurub

Uk(SLpost)-Ra’iisalwasaaraha Britain David Cameron ayaa billaabaya wareeg kale oo uu doonayo in uu wadahadallo heer sare ah la yeesho madaxda midowga Yurub xilli uu isku dayayo in uu wada xaajood ka galo xubinnnimada waddankkisa ee Midowga Yurub.

David Cameron ayaa waxa uu la kulmi doonaa madaxa guddiga Midowga Yurub Jean-Claude Juncker ka hor inta uusan dhammaadka usbuucan wadahadal la yeelan madaxa golaha Midowga Yurub Donald Tusk.

Britain ayaa waxa ay dooneysaa in loo ogolaado in ay shaqaalaha waddamada kale ee Yurub ka yimid ay u diido in ay dalbadaan gunnooyin muddo afar sano ah.

Dowladda Britain ayaa ka hor dhammaadka sanadkan lagu wadaa in ay afti u qaado in Britain ay Midowga Yurub xubin ka sii ahaato iyo in kale