Ujeedooyinka Shirkadi Leedahay – (Objectives Of Business) ~ By Xamse Aadan Tarabi, MBA

Qofkasta oo caalamakan kunool wuxuu leeyahay ujeedo ugaraa oo uu usiimaryo inuu ku gaadho hadafkiisa nolaleed, tusaale ahaan ardayga waxdhiganaya wuxuu doonayaa inuu baaso imtixaanka sidii uu hadhaw mutaqbalka wax unoqon lahaa. Hadaba SHIRKAD kastaa waxay leedahay ujeedo ay rabto inay ku gaadho horumar laakin ma gaadhi karto ilaa ay ilaaliso xaquuqda SHAQALAHA, MACAAMISHA, BULSHADA, waayo intaasba waa inta ay kutiirsantahay iyaga oo leh kala horaytooda, qolyaha maamulka iyo maarayntu waxay ukala saran shan qaybood ujeedooyinka ay shirkad yeelankarto waana sidan.

a. Economic Objectives

b. Social Objectives

c. Human Objectives

d. National Objectives

e. Global Objectives

1-       ECNOMIC OBJECTIVES ( UJEEDADA DHAQAALE)

Wuxuu katurjumayaa siday Shirkadu ku heli lahayd faa’ido ( PROFIT), hadaba waxaa soo hoos galaya, inuu helo MACMIIL, ISBADAL,  iyo inuu haysto HANTI kufilan oo uu ku adeegi karo, aan mid mid usharaxo.

  • PROFIT : faa’idadu waa dhiiga ay Shirkadu kusocotaba hadanay helina maba shaqaynkarto waa kacaysaa runtii waa aas aaska kowad ee usaamixi kara inay jirto, waxaan odhankaraa maaha oo kaliya in cida iska leh ay kahesho baahiyaheda lakin wuxu dan uyahay inuu balaadho, oo qayabo kaladuwan yeesho kuna tartamo goobaha ganacsiga.

Si ay ugaadho guusha faa’idada waxaa lagarabaa sidan.

  • Creation Customer ( MACMIIL HELID)

Shirkadi madhaqaaqi karto ilaa ay hesho macaamiil ka iibsada waxa ay soo saarto ama adeegeda, waxaanay kuheli kartaa iyada oo samaysa qiima macquula oo ay awoodi karaan macaamishu, waxay kaloo samaynkartaa inay soo saarto wax cusub oo dadka soo jiita, iyada oo eegaysa dhaq-dhaqaaqa ganasiga ee ay dhigeedu wadaan.

  • Regulation Innovations (ISBADAL  SAMAYN)

Inay waxsoo saarkeeda isbadal kusamayso oo hurimarin kusamayso, ha ahaato tayada, qiime dhimis, iib badana samayso, sideedaba SHIRKADI waa mid waxsoo saarkeda jumlad ahaan ku iibisa, iyo mid tafaariiq ku gada, lakin mafiicana inay labadaba isku qabato ha u ogalaato qolyaha jumalada kasoo qaadanaya Shirkada ee dadka kasii iibinaya inay wax helaan kuna siiso qiime jaban, markaa waxay helaysaa macmiil farabadan.

  • BEST POSSIBLE USE OF RESOURCES (HANTI KUFILAN INUU HAYSTO)

Sidaan kawarqabno waxa Shirkad, ku hawlgashaaba waa hantida ay haysto iyada oo u isticmaalaysa hawlaheeda, sida soo iibsasho MASHIINO, QALAB,   MUSHAHARADA, iyo kharashaadka maalinkasta ka baxa, si ay u gaadho horumar, markaa haadanay haysan wax kufilan oo ay ku adeegto ma jirikarto.

2-       SOCIAL OBJEVTIVES ( UJEEDA BULSHADA)

Waa mid kamida ujeedoyinka Shirkada inay bulshada ay kadhex ganacsanayso, wixii ay ka heshay wax kuceliso, hawlaha ay kadhex wado bulshada hadii ay waxyeelo ukeenan waxa jira xeer qabanaya oo wadankastaa leeyahay, ha ahaado mid markiiba lagu qaado ama dib loogu dhigo, qaybatan waxaa hoos imanaya kuwan.

  • Production and supply of quality goods and services ( Wax soo saarka alaabta oo tayo leh iyo adeeg wacan)

Bulshadu waxay ka filaysaa Shirkada inay wax soo saar tayo leh usoo saarto, iyo inay sifiican ugu adeegto, iyaga oo eegaya qiime jaban, wakhtiga ugu haboon ee ay helikaraan, kana ilaaliso waxsoo saarkeda wax bulshada wax yeela oo aan dhelitirnayn, sida alaab wakhigeedii dhaaftay oo dhacday, marka waa inay ku dadaasha inataas aan soo sheegay, si ay uhesho bulshada kalsonideeda.

  • Adoption of fair trade practices (Inay samayso xaysiis ka turjumaya alaabteeda)

Waxa fiican inay samayso xaysiis oo ay isticmaasho warbaahinta, hanoqto JOURNALS, TV, RADIO, INTERNET,  oo anay kadhigin suuqa madaw in wax ay ku iibiso ta ugu fiicana waa shaashada lasoo dhigo badhtamaha magalada si cidkastaa u argato, taasna horumarkeda ayay kaqayb qaadanaysa, kharakh ugubdan ee kabaxa SHIRKDAHA, waa kan ay u isticmaalan xayaysiiska, waayo waxay hayeen ayay soo bandhigayaan oo Bulshada tusayaan.

  • Contribution to the general welfare of the society (Inay Bulshada wax uqabato)

Degaanka ay ka hawlagasho waxa looga bahanyahay inay wax uqabato oo ay kuceliso waxay kaheshay, waxaana kamida inay udhisto Schools, Gooba caafimaad, Gooba dadka tababarka lagusiiyo si ay hawlahoda ugu dabakhaan, Tarano Aqooneed, Suuganed, Goobo dadka kawda dhexeya oo lagu qabsado xafladaha, Muxaadirooyinka, Masaajido, Garoomo dhalintu kuciyaarto, wareega ciyaarahana ay qabato, iyo horumarinta deeganka oo ay kaqayb qaadato, intaas aan soo sheegay iyo in kaleba waa lagarabaa inay ufuliso dadwaynaha, wana mid ugujirta siyaasada SHIRKD kasta hawlaas aan soo sheegay, tii aan qabana lagala xisaabtamidoono.

3-       HUMAN OBJECTIVES ( UJEEDADA DADKA)

Waxay ina tusaysaa waxa ay uqabanayso Shaqaalaha ushaqeeya siyaasda ugataala ama udajisan, iyo waliba Bulshadaba sida dadka aan laxaadka lahayn, waxbrashada oo ay horumariso, waxa ay shaqaalaha uqabanaysana waa sidan

  • Economic well being of the employees (Dhaqaalaynta Shaqaalaha)

Waxa fiican in Shaqaalaheda ay usamayso lacagta dhigaalka ah ee looyaaqaan pension fund, oo markay hawlgab noqdaan lasiiyo, iyo in kharashaadka caafimaad ay kabixso, Guryo loodhiso, loo guuriyo, hawlaas oodhan ay uqabato ayaa lagarabaa.

  • Social and psychological satisfaction of employees          (Qanac sanaanta Shaqaalaha ee maskixiyin ee shaqada)

Farxada iyo kuqanac sanaanta Shaqaaluhu ay uhayaan Shaqada, dalacsiinta, abaalmarinta, fursadaha taratanka jagooyinka sar sare, qof kasta lageeyo meesha uu kuwanaag sanyahay, waxa ay kaqayb qaadataa horumarinta kanbanigaas, maxaa yeelay waa kuwa wada Shaqaalhu ee kala socod siinaya hawlaha uu wado, markaa waa in iyagana laga farxiyaa iyada oo lamarayo qaybahaas aan soo sheegay.

  • Development of human resources ( Horumarinta Shaqaalaha)

Shaqaalhu had iyo jeer waxa larabaa inay maskax ahaan koraan, taasina waxay ku imankartaa iyada oo lasameeyo barnaamij lagu siinayo tababaro lagu horumarinayo aqoontooda, kabaniba ka Shaqaalihiisu ka xirfad badanyihiin wuu ka horumaraa, taasina waa hubaal markaa waa in qorshahooda ay kudarsdaan barnaamikaa tababarka, iyo horumarinta Shaqaalaha waana guushooda.

4-     National Objectives (Ujeedada Wadananimo)

Waa mid ku waa jiba in Shirkadaha, kahawlgala wadanka inay horumarintiisa kaqayb qataan si muuqata iyo si aan muuqanba, siyaabaha ay uga qayb qaada naysana waa sidan

  • Creation of employment ( Shaqo Abuur inay samayso)

Ta ugu muhiimsan waa inay samayso barnaamij Shaqo abuur oo dadwaynuhu ka faa’idaystaan, waayo inta ushaqaynaysa waxay culaysaka kaqaadaysaa Dawlada, oo shaqa la’aanti ayaa yaranaysa guulna way utahay Shirkad ahaan, markaa waa inay kaqayb qataan horumarinta wadanka.

  • Production according to national priority ( Wax soo saarka iyada oo eegaysa danta wadanka)

Waxa ay soo saarayso waxa fiican inay u eegto siyaasada iyo shuruucda wadanka, oo anay noqon wax wadanka dhib ukeenaya, ee uu noqdo wax horumarkiisa kaqayb qaadankara, iyada oo soo saaraysa inbadan qiime jabana ku gadaysa, oo dadku awoodi karaan, waxaana fiican inay eegto danta Dawlada, Bulshada, ee anay eegin uun teeda, sidaas ayaana fiican.

  • Contribute to the revenue of the country ( Cashuur bixin)

Waxaa ku waajiba inay bixiyaan cashuurta lagu yeesho si daacadnimo iyo wadananimo ah, maxaa yeelay Dawlad waxa ay ku shaqaysaa waa cashuurta ay kaqaado ganacsatada, iyo dadka kale ee kunool wadanka, waana mid ka qayb qaadanaysa horumarinta wadanka, markaa ujeedooyinka Shirkada waxaa kujira inay bixiso cashuurta.

  • Self-sufficiency and Export Promotion (Isku filnaashaha iyo kaqayb qaadashada wax dhoofinta)

Waxaynu ognahay in wadanku waxna dhoofiyo waxna soo dajisto, markaa Shirkadaha kahawl gala wadanka, waa qaar kaladuwan xaga ganacsigooda, kuwa wax dhoofiya, soona dajista, si markaa dhaqaalaha wadanku uu horumar ugaadho, waa inay kordhiyaan wax dhoofitaankoda si lacag badan wadanka usoo gasho halkii ay kabixi lahayd uun, iyaguna waa ka helayaan.

5-     Global Objectives ( Ujeedada caalamka ay kaleedahay)

Waxaa ku jirta siyaasada Shirkada inay ka shaqayso wadamada caalamka, si ay magaceeda iyo wax qabad keedaba ugaadhsiiso oo ay noqoto mid layaqaan, xarumo kaladuwana kuleh meel kasta oo aduunka kutaal, iyada oo eegaysa awooda dhaqaale ee ay haysato kuna gali karto ganacsiga caalamka, hadaba waxaa jira dhawr qaybood oo hoos yimada waana sidan.

  • Raise general standard of living (Kobcinta heerka nolaleed ee bulshada caalamka)

Koritaanka Shirkada ee ay isaga gudubto xuduudka caalamka, waa mid horumar u ah laguna baranayo, lana isticmaalayo alaabteeda, ama adeegeda, iyada oo samaynaysa wax tayadoodu sarayso qiima hooduna macquul yahay, caalamka oodhan, Dadka jooga USA alaabta uu helayo isaga oo jooga wadankiisa, halka kuwa jooga UGANDA iyaguna helayan isla alaabtaas, iyo qiime isku mida haba kala duwanadan nolashoodu, iyo dhaqaa lahooduba markaa waxaan odhan karaa tani waa mid horumarinaysa Bulshada nolashooda, oo ay sababteeda leedahay ka hawl galka ay ka hawl galayso Shirkadu wadamada caalamka waana mid guul u ah iyada sumcadeedana kor uqaadaysa.

  • Reduce disparities among nations  ( Yaraynta kala duwananta Qaramada)

Waa mid ka turjumaysa in Shirkadaha ganacsigooda ee meelaha kala duwan ee aduunka, ay ka caawiso in kuwa qaniga  ah iyo kuwa fiqiirka ah ay iskusi ugu adeegaan oo waxa ay rabaan usoo saran una qabtaan, ama ay maal gashadaan wadanka oo dhaqaale ay kusoo kordhiyaan, horumarintiisa kaqayb qaadanaysa taasna waa mid lagu diirsankaro meeshana ka saaraysa inay qayb noolato, ee waa in cidkasta heshaa waxay rabto iyada oo ciyaaraysa awoodeeda dhaqaale.

  • Make available globally competitive goods and services (In hesho tartan caalamiya soo bandhiga alaabteda iyo adeegaba)

Marka uu kahawl galayo goobahaas kala duwan ee caalamka, waxa dhacda inuu kordhiyo waxsoo saarkiisa, ama adeega uu qabanayo isaga oo eegaya tartanka kuwa kale, dalab aad ufara badana kahelaya macaamishiisa ajaanibka ah, tani markaa waxay horumarinaysaa wax dhoofinta wadanka iyo waliba in wadanku lacgtiisa wax lagu kala iibsado gudaha iyo dibadaba, waana mid horumar uleh Shirkada iyo wadankaba oo ay dhaqaale kahelayaan waxaana iyada udheer sumcad, magac, iyo koritaanba.

Hadaba intaas oo qaybood ee aan soo sheegay waa mid kamida siyaasada ay leeyihiin Shirkaduhu, kuna dhaqmaan runtii waa cilmi aan usoo gudbinayo Buslshadayda meelkasta oo ay jogaan, waa hubaal marka aad aqoonyahan tahay inaad dareemayso waajib kusaaran oo kasaran Dadkaaga, iyaga oo kaasugaya inay kaa helaan wixii aad bartay waayo kuwa aad wax ubaranaysaa waa iyaga laakin dhibta jirta waxaa weeye, dadkeenii mawada aha qaar wax akhriya waxna qora, inta akhridaana badankoodu uma gudbiyaan intii kale, runtii aqoontan aan soo qorayo anigu socdaal dheer ayaan ugalay, wadankana aan uga baxay oo dhulshisheeye aan u aaday, lacagna aan kabixiyaa, waana mid katurjumaysa aqoontayda shaqsinimo ee aan leeyahay, anoon isfaaninayn, markaa akhriste hadad tahay qof shaqeeya meesha aad kashaqayso ka eeg siyaabaha aan soo sheegay, haday meeshasi tahay mid aan kudhaqmin fadlan usoo bandhig hawshan waana hubaal inay horumar kugaadhi doonto, hadad tahay cida maamushana ku maamul hawshaas oo kudhaqangali waayo wax kasta oo ay Shirkadi rabto inay gaadho wakhti sugan waxa ay isticmaasha intaas aan soo sheegay.

Qalinkii: AQoonyahan Hamse Aadan Tarabi BBA, (Accounting) MBA, (Banking and Finance) Kampala Uganda

Email: tarabi090@hotmail.com

Tell: +256-792561548