Ujeeddada Wefti ka socda dalka Sucuudigu Somaliland u yimaaddeen

Berbera, (SLpost)- Wasiirrada Macdanta iyo Biyaha ee Jamhuuriyadda Somaliland Xuseen Cabdi Ducaale iyo Beeraha Prof. Faarax Cilmi Maxamuud (Geedoole), ayaa shalay garoonka diyaaradaha ee magaalada Berbera ku soo dhaweeyey Wefti ka socday dalka Sucuudiga.
Wasiirka Macdanta oo warbaahinta kula hadlay qoflka nasashada ee garoonka diyaaradaha madaarka Berbera, ayaa sheegay in Weftigan Sucuudigu ay u socdaan sidii ay mashaariic maalgashi uga samayn lahaayeen dalka Somaliland, sida Dekedda, Wershadda Sibidhka, Haamaha Shidaalka ee Berbera iyo mashaariic kale oo horumarineed.
Wasiirka oo arrintaa ka hadlayaana waxa uu yidhi; “Saddexdan xubnood waxay dalka u yimaadaan mashaariic maal gashi ayay u socdaan, waan soo dhaweynaynaa walaalahayaga reer Sucuudi Carabiya.”
“Halkan intaan joogno Berbera mashaariic badan oo ku saabsan maalgashi oo ay ka mid tahay dekeda, haamaha, shidaalka iyo wershada sibidhka ayaanu tusaynaa.”ayuu yidhi Wasiirka Macdanta Biyaha iyo Tamarta Somaliland Xuseen Cabdi Ducaale. Waxaanu Wasiirku intaa ku daray in Weftigani muddo sadex maalmood ah ay dersi doonaan Ganacsiga iyo Meelaha u baahan maalgashiga.
Wasiirka beeraha ee Somaliland Faarax Cilmi Geedoole ayaa isna sheegay in weftigan ay si weyn dalka ugu soo dhawaynayaan waxaanu tilmaamay in xukuumad ahaan diyaar u yihiin in dhinacooda ugu soo bandhigi lahaayeen mashaariic maalgashi oo dhinaca beeraha ah, waxaanu yidhi; “Khayraadka aadka u badan ee dalkeena dawladu ma hayso hadda awood ay ku soo saarto kagana faa’iidaysato khayraadkaa markaa aad iyo aad ayaan u soo dhawaynaa walaalaheena Sucuudiyiinta waana dadka inoogu dhow maanta marka aad ka eegto Islaamka, xidhiidhkii hore ee Islaamka, walaalnimo ee inoo dhaxayn jiray aad iyo aad ayaan u soo dhaweynaynaa.”Weftigan, ayaa ka koobnaa laba nin oo u dhashay dalka Sucuudiga iyo nin u dhashay dalka Kuuriya, waxaana la sheegay in xubno ka tirsan weftigoodu ay dalka imanayaan maalmaha soo socda.

Somalilandpost.net

webmaster@somalilandpost.net