Ujeeddada Wefti ka socda dalka Denmark oo dalka yimi kulamona la yeeshay Madaxda Dawladda

Hargeysa, 31 January, 2012 (SLpost)- Madaxweynaha JSL Mudane Axmed maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa maanta qasriga madaxtooyada ku qaabilay wasiirka dalka Denmark u qaabilsan arimaha iskaashiga & Horumarinta Christian Friis Bach oo dalka booqasho ku jooga isla markaana daboolka ka qaaday inay Somaliland ka furanayaan Xafiis farsamo oo wada shaqayneed.

Madaxweynaha JSL Mudane Axmed maxamed maxamuud (Siilaanyo) oo la hadlayey weftigaa ayaa sheegay inay ku faraxsan yihiin booqashada ay Somaliland ku yimaadeen weftigan reer Denmark, iyadoo wadanka Denmark uu yahay mid ka mid ah dalalka Somaliland ka taageera dhinacyada arimaha bulshada.

Madaweynaha JSL waxa uu xusay in Denmark ay tahay dal aynu saaxiib nahay kaalin weyn ugu jirta horumarka ay samaysay Somaliland isla markaana waxyaabahii ay weftigan ka wada hadleen ay u badnaayeen sii xoojinta xidhiidhka labada dhinac, iyagoo wadankeena wax kala qaban doona barnaamijyo horumarineed oo kala duwan.

Geesta kale Wasiirka  iskaashiga & horumarinta ee dalka Denmark Christian Friis Bach  ayaa kulankaasi ka sheegay in Somaliland ku amaanan tahay degenaanshaha & xasiloonida ay samaysay isla markaana uu muuqdo doorka ay ka qaadan karto arimaha geeska afrika, isla markaana ay dawladiisu  diyaar u tahay inay sii xoojiso kaalmada ay siiso Somaliland si taasi wax weyn uga tarto nolosha aadamaha gaar ahaan dhinacyada arimaha bulshada.

Wasiirku waxuu tibaaxay heerka ay Somaliland ka gaadhay horumarinta Dimuqraadiyada & ammaanka xilli ay Somaliland ku taallo mandaqad halisi ku xeeran tahay, taasina buu yidhi wasiirku ay calaamad u tahay inaanu sii kordhino waxtarka aanu ka gaysano halkan.

Mr Christian ayaa hadalkiisa ku sheegay in hadda dawladda Denmark ay xafiis farsamo ka furanayso Somaliland, madaxweynahana ay ka wada hadleen sida loo sii wadayo maamul wanaaga & hagaajinta nolosha bulshada.

Weftigan uu hogaaminayo Wasiirka Iskaashiga iyo Horumarinta Denmark oo kulan aan saxaafadda loo ogolayn la yeeshay shir-guddoonka golaha Wakiillada ka hor kulankii madaxweynaha isla markaana ka kooban labaataneeyo xubnood oo ay ka mid yihiin Safiirka Denmark u fadhiya Xarunta Wadanka Kenya ee Nairobi, u qaybsamaha dawladaasi ee arrimaha afrika, Dublamaasiyiin iyo koox Suxufiyiin ah ayaa kormer booqasho ah ku tagay Saylada xoolaha ee caasimada Hargaysa iyo qaar ka mid ah mashaariicda horumarineed ee ay Somaliland ka hirgelinayaan.

SOMALILAND POST NEWS

webmaster@somalilandpost.net