Ujeeddada Socdaallo Wasiirrada Arrimaha Gudaha iyo Dibadda Somaliland Isaga Daba-tageen dalka Itoobiya

Hargeysa (SLpost)- Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Cali Maxamed Waran-cadde, ayaa shalay gelinkii dambe socdaal ugu baxay magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya, ka dib markii uu ka dhoofay garoonka diyaaradaha Cigaal ee Caasimadda Hargeysa.

Si rasmi ah looma shaacin ujeeddada Safarka Wasiir Waran-cadde, hase-yeeshee, sida ay ila-waraadyo laga helay tibaaxeen waxay ujeeddada safarkiisu la xidhiidhaa arrimo dhinaca nabadgelyada labada dal ah, ka dib markii ay laba toddobaad ka hor xurguf yari soo kala dhex gashay Itoobiya iyo Somaliland, inkasta oo ay markii dambe Somaliland raalli-gelin bixisay, Itoobiyana ay sheegeen inay ku qanacday.

Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Cali Maxamed Waran-cadde, ayaa laba maalmood ka hor booqasho ku joogay magaalada Gabiley oo Toddobaadyo ka hor lagu qabtay Saraakiil oo ka tirsanaa Sirdoonka Itoobiya, isla markaana ku socday dhanka Itoobiya oo xadka labada dal ka gudbaayay, kuwaasoo sida dawladda Itoobiya ku dacwootay laga qaaday macluumaad sir ahaa oo ay wateen.

Cali Waran-cadde
Cali Waran-cadde

Arrintaa ayaa xiisad ka dhex-dhalisay labada dal, iyadoo Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland uu Jimcihii inna dhaafay ka soo laabtay safar uu ku tegay Addis Ababa oo la xidhiidhay arrintaas. Wasiirka arrimaha dibedda Somaliland Maxamed Biixi Yoonis, ayaa isaguna weydaartay Madaxweyne Ku-xigeenka isla maalintaas oo la sheegay in socdaalkiisu la xidhiidhay arrintaas kor ku xusan.

Booqashada uu Cali Warancade ku joogay Gabiley, ayaa iyana ahayd mid xaqiiqo raadin ah oo arrintaas dabada ku haysa, iyadoo tagidaankiisa uu shalay ugu baxay Itoobiya uu noqonayo mid tafaasiil dheeraad ah uu ka siinayo dalka Itoobiya dhacdadaas, siday u dhacday iyo tallaabada ay dawladda Somaliland ka qaadday ciddii fulisay oo hore Xabsiga loogu taxaabay, sida ay xaqiijiyeen ila-wareedyada Wargeyska Himilo ka helay tibaaxda ujeeddada safarka Wasiir Waran-cadde.

 

SOMALILANDPOST.NET