Ujeeddada Socdaal Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Maanta ugu amba-baxayo Dalka Ingiriiska

Addis Ababa (SLpost)- Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland Md. Cali Maxamed Waran-cadde oo maalmihii u dambeeyey ku sugnaa magaaladda Addis Ababa ee dalka Ethiopia, ayaa lagu wadaa inuu maalinta Berri ah socdaal shaqo ugu Kicitimo dalka Ingiriiska.

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo u warramay Warbaahinta Afka Dawladda ku hadasha,  waxa uu sheegay inuu socdaal shaqo ku tagayo dalka Ingiriiska, halkaas oo sida uu sheegay uu marti-qaad kaga helay shirkadda Shidaal Baadhista ka wadda Somaliland ee Genel Energy oo fadhigeedu yahay magaalada London ee xarunta dalka Ingiriiska.

waran“Berri subaxnimadda waxaan hore ka duulayaa Madaarka Addis Ababa, anigoo u sii jeeda Magaalada London, si aanu ugu biirro weftiga Wasiirka Arrimaha Dibadda ee ku sii sugan Ingiriiska, waxaanan ka degayaa Heathrow Airport ee magaalada London, waxaanan ku beegan nahay haddii ALLE yidhaahdo 2:30 galabnimo ee saacadda London oo aan ku degi doono Terminaalka sadexaad,” sidaa waxa yidhi Wasiirka Arrimaha Gudaha Md Cali Waran-cadde oo u warramay SomalilandOrg.

Wasiirku waxa uu sheegay in ay masuuliyiinta sar-sare ee shirkada Genel Energy ay la yeelan doonaan kulamo lagaga hadli doono sidii ay shirkaddaas u sii amba-qaadi lahayd hawlaheedii Baadhitaanka Shidaalka.

Shirkadda Genel Energy oo fadhigeedu yahay magaalada London, balse laga leeyahay dalka Turkiga, ayaa sannadkan horaantiisii Somaliland ka bilowday hawl-gallo la xidhiidha sahan ay ku samaynayso Shidaalka Somaliland, haseyeeshee waxa ay ahayd horaantii bishii Ogost ee Sannadkii markii ay gabi ahaanba joojisay hawlihi baadhista Shidaalka isla markaana ay dalka ka baxday, ka dib markii, sida ay sheegeen saraakiil ka tirsan Shirkadaas, ay la soo gudboonaatay Xaalad-ammaan darro oo halis ku ah shaqaalahooda ku hawlan sahanka iyo hawl-gallada baadhista Shidaalka.

Masuulka ugu Sarreeya shirkadaas oo dhowaan socdaal ku yimi Somaliland, kulamo la qaatay madaxweyne Siilaanyo, ayaa sheegay inay dib u bilaabayaan Sahankii Shidaalka ee ay ka wadeen gobollada Bari ee dalka, haseyeeshee waxa uu arrintaas ku xidhay shuruudo la xidhiidha dhinaca ammaanka si ay u sii ambaqaadaan Hawlahooda.

SOMALILANDPOST.NET