Ujeeddada Socdaal Shaqo oo Wasiirka Ganacsiga iyo Maareeyaha Dekedda Berbera maanta ugu baxeen Waddamo Afrika ah

Hargeysa (SLpost)- Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Maalgashiga caalamiga ah Dr. Maxamed Cabdillahi Cumar iyo Mareeyaha Dekeda Berbera  Eng Cali Cumar Axmed (Cali Xoor-xoor), ayaa maanta u baxay safar ay ugu kicitimeen Waddamada Nigeria iyo Congo.

LOLUjeeddada socdaalka labada masuul ayaa la xidhiidha  daraasayn iyo qiimayn ay ku samaynayaan Dekedaha waddamadaas oo ay maamusho Shirkada Faransiiska ah ee Bollore oo dhawaan wada-hadalo ku saabsan maalgashiga Dekeda Berbera ay ku dhexmareen Waddanka Faransiiska Wefti Madaxweynaha Somaliland hoggaaminayo oo booqasho ku tagay dalkaas.

 Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar oo u waramayay warbaahinta intaanu ka dhoofin Garoonka diyaaraha Magaaladda Hargaya, ayaa faahfaahiyey ujeeddada socdaalkoosa.

“Waxaanu u baxaynaa safar aniga iyo Mareeyaha Dekeda Berbera Cali Xoor-xoor, annagoo u safridoona waddamada Nigeria iyo Congo, halkaas oo aanu qiimayn ku samayn doono Dekedaha ku yaal oo ay maamusho shirkadda Bollore oo dhawaana wada-hadalo ay dhexmareen waddanka Somaliland, waxaanu qiimayn ku samayn doona heerka wax soosaar ee dhinaca dhaqaalaha iyo qaabka shaqo ee Dekedahaas,” sidaas waxa yidhi wasiirka Ganacsiga Somaliland Dr Maxamed Cabdilaahi Cumar.

Shirkada Bolore oo laga leeyahay waddanka Faransiiska ayaa la filaaya inay maalgashi ku samayso Dekeda Magaaladda Berbera haddii ay ku heshiiyaan xukuumadda Somaliland.

Wasiirka Ganacsiga Somaliland ayaa hore u sheegay inay sharci-yaqaano caalami ah u kiraysteen ka-talo-bixinta heshiis ay xukuumaddu la gasho shirkadda Ballore, iyada oo dhanka kale ay shirkaddaasi ku heshiiyeen in guddi khubaro iyo xukuumadda Somaliland isugu jirta ay qiimayn iyo daraasadayn ku sameeyaan dekedo ku yaala qaaradda Afrika oo ay shirkadda Ballore maamulkooda gacanta ku hayso.

Socdaalka Wasiirka iyo Maareeyaha Dekedda Berbera ay ku tageen waddamadaas, waxa uga sii horeeya oo isaguna shalay socdaal kaga baxay magaalada Hargeysa Wasiirka Arrimaha dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Maxamed Biixi Yoonis oo la sheegay inuu weftigan gogol-xaadh ugu sii samaynayo socdaalka ay ku qiimaynayaan dekedo ku yaala Galbeedka Qaaradda Afrika oo shirkadda Ballore ay maamusho.

SOMALILANDPOST.NET