Ujeeddada Socdaal Masuuliyiinta ugu sarreysa Hay’adaha Ammaanka dalku ugu baxeen Dalka Ethiopia

Hargeysa (SLpost)- Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Md ali Maxamed Waran-cadde oo ay weheliyaan saraakiil ka tirsan hay’adaha Ammaanka ee dalka, ayaa maanta socdaal shaqo ugu amba-baxay dalka Itoobiya, waxaanay halkaas kula kulmi doonaan masuuliyiinta dhiggooda ah ee dawladda Federaalka ee Itoobiya.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland oo warbaahinta ugu kula hadlay garoonka diyaaradaha ee Hargeysa ka hor intii aanu socdaalkiisa u amba-bixin, ayaa ujeeddada safarkooda oo dhowr maalmood qaadanaya ku sheegay mid la xidhiidha sii-xoojinta xidhiidhka iskaashi ee khuseeya dhinacyada ammaanka iyo ganacsiga.

HALKAN KA DAAWO HADALKA WASIIRKA