Ujeeddada Socdaal Madaxweynaha Somaliland ugu Baxay Galbeedka Qaaradda Afrika

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa galabta safar shaqo ugu baxay dalka Jamhuuriyadda Guinea oo uu marti-qaad rasmi ah ka helay Madaxweynaha dalkaa Prof. Alpha Conde.

Safarkan madaxweynaha oo qaadan doona maalmo kooban waxa warbaahinta warbixin ka siiyey wasiirka arrimaha dibeda iyo iskaashiga caalamiga ah ee Somaliland, Prof. Yaasiin Maxamuud Xiir (Faratoon) oo ka mid ah xubnaha weftiga madaxweynaha ku wehelinayey safarkiisa.

 

 

Wasiirka oo warbaahinta kula hadlay madaarka Cigaal International Airport ayaa ugu horayn ka war bixiyey safarka weftiga madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland.

Waxaanu yidhi wasiirku “Waxaanu maanta halkan kaga ambabixi doonnaa wefti uu hoggaaminaayo madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, weftigaas oo casuumad rasmi ah ka helay madaxweynaha Jamhuuriyada Guinea ee ku yaala galbeedka Afrika”

Xubnaha Madaxweynaha ku wehelinaya safarku waxay ka kooban yihiin wasiirada  arrimaha dibeda iyo iskaashiga caalamiga ah ee Somaliland, Prof. Yaasiin Maxamuud Xiir (Faratoon), horumarinta maaliyada, Dr. Sacad Cali Shire, horumarinta Caafimaadka, Cumar Cali Cabdilaahi iyo Ergeyga Gaarka ah ee Wada-hadallada Dawladda Jamhuuriyadda Somaliland iyo Dawladda Soomaaliya Marwo, Adna Aadan Ismaaciil.

Sidoo kale Wasiirka arrimaha dibeda ee Somaliland waxa uu warbaahinta u sheegay in safarkan madaxweynuhu uu yahay mid xoojin doona xidhiidhka labada dal, waxaanu yidhi

“Waxaana laga soo wada hadli doonaa xidhiidhada labada dal iyo wixii wanaag ah ee ka dhaxeeya, insha Allah saddex maalmood kadib weftigu halkan ayuu ku soo guryo noqon doonaa”.