Ujeeddada Socdaal Madaxweynaha Somaliland maanta ugu baxay Waddanka Ingiriiska

HARGEYSA (SLpost)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo Wefti uu hoggaaminayo, ayaa maanta dalka ka dhoofay, isla markaana u ambabaxay Ingiriiska, halkaas oo uu sheegay inay kaga qaybgalayaan Shir 14-ka bishan ka furmaya magaalada London oo lagaga hadlayo Maalgashiga iyo Ganacsiga dalka Somaliland.

Madaxweynaha oo ay Garoonka diyaaradaha Cigaal ee magaalada Hargeysa, ayey sii sagootiyeen Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), Wasiirro Xukuumadda ka tirsan, Masuuliyiinta Xisbil-xaakimka KULMIYE, Xildhibaanno iyo Xubno kale, ayaa intii aanu dhoofin waxa uu Warbaahinta ugu sii warramay Qolka Madaxda ee Madaarka Hargeysa.

HALKAN KA DAAWO WARKAN