Ujeeddada Socdaal ay magaalada Laascaanood ku tageen Wefti uu hoggaaminayo Guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee Wakiillada

Laascaanood (SLpost)- Wefti uu hogaaminayo Gudoomiye ku xigeenka 1aad ee Golaha Wakiilada Somaliland Mudane Baashe Maxamed Faarax ayaa Maanta kormeer shaqo ku tagay Xarunta Gobolka Sool ee Laas Caanood.

Weftiga Guddoomiye Baashe waxaa xubno ka ah Wasiirka Wasaarada Ganacsiga,Wershadaha iyo Dalxiiska Mudane C.risaaq Khaliif Axmed, Maareeyaha Hay’ada Wadooyinka Somaliland ee SRA Cabdiwaaxid Cabdiqaadir Cabdiraxmaan iyo Madax kale.

Ujeedada socdaalka weftigan ayaa salka ku haya dardargelinta hawlaha Xisbul Xaakimka Kulmiye,gaar ahaan inay ka hawlgalaan soo bandhigida 21 Murashax ee uga qayb qaadanaya doorashada golaha deegaanka ee magaalada Laascaanood.

Weftigan uu horkacayo Gudoomiye ku xigeenka 1aad ee Golaha Wakiilada Mudane Baashe Maxamed Faarax waxaa duleedka magaalada Laascaanood kaga hortagay maamulka gobolka,ka degmada laascaanood iyo dadweyne tiro badan.

Wasiirka Wasaarada Ganacsiga Warshadaha iyo Dalxiiska ee Somaliland Mudane C.risaaq Khaliif Axmed ayaa u mahadceliyay dhamaanba qaybaha bulshada ee soo dhawayntooda ka qayb qaatay waxaanu xusay in Maalinta beri ah ay soo bandhigi doonaan 21 Murashax ee Xisbiga Kulmiye uga qayb gali lahaa Tartanka doorashada golaha deegaanka ee magaalada Laascaanood.

Sidoo kale Gudoomiye ku xigeenka 1aad ee Golaha Wakiilada Mudane Baashe Maxamed ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay inuu yimaado magaalada Laascaanood oo nabadgalyo buuxdaa ay ka jirto isla markaana ay sii ambo qaadi doonaan hawlaha xisbul xaakimka Kulmiye ee ku aadan soo bandhigida Murashixiintiisa.

Weftigu intii aanay soo gaadhin magaalada Laascaanood waxaa si balaadhan loogu soo dhaweeyay degmada Yagoori iyo deegaanka Adhi cadeeye.

Somalilandpost.net

Hargeysa, Somaliland